Weerar Nafhurnimo Ah oo Lala Beegsaday Xarun Ay Ku Sugnaayee Mas’uuliyiin Ka Tirsan Hirshabelle oo Ka Dhacay Jowhar..

Weerar culus oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe kaasoo kala beegsaday dhisme ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday xarun ay magaalada Jowhar uga sugnaayeen mas’uuliyiin katirsan maamulka Riddada Hirshabelle” ayaa lagu yiri war ay baahisay Andalus oo ku hadasha afka Al-Shabaab. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in weerarku uu burburiyay qeybo kamid ah dhismihii la beegsanayay, meydad iyo dhaawacyo badan laga daabulay.

Dadka magaalada Jowhar ayaa sheegay in qaruxu aad u xoogganaa islamarkaaana laga maqlay degmooyinka ku dhow Johar, goobta qaraxa ayaa waxaa isku gedaamay ciidamo badan oo gurmad ahaan u yimid, waxayna dadka ka eryayeen agagaarka xarunta si aysan u ogaan xadiga khasaaraha.

Wixii tafaasiil ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa insha’allah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.