30 Ruux Oo Dhintay Xiisado Siyaasadeed Oo Ka Aloosan Gudaha Dalka Ciraaq.
Boqollaal ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday iska hor-imaadyo ka socada dalka Ciraaq gaar ahaan halka loo yaqaan Khadka Cagaaran ee bartamaha magaalada Baqdaad.
Maanta oo Talaado ah waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay iska hor imaadyada u dhaxeeya taageerayaasha siyaasiga Shiiciga Muqtada Alsadar iyo ciidamada ammaanka ee dalkaas.
Ilo-wareedyo caafimaad oo ku sugan dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay in 30 ruux ay ku dhintay isku dhacyadan oo soo bilowday gelinkii danbe ee shalay, halka sido kale ay ku dhaawacmeen 700 oo qof oo 110 kamid ah ay yihiin askar katirsan ciidamada amaanka ee dowladda Ciraaq.
Iska hor-imaadka ayaa qarxay kadib markii Kumanaan katirsan taageerayaasha Muqtada Alsadar ay xoog ku galeen halka loo yaqaan Khadka Cagaaran, iyagoo si ku meel gaar ah ula wareegay qasriga madaxtooyada iyo dhismayaasha wasaaradaha ee dowlada dalkaas.
Ciidamada ammaanka oo adeegsanaya rasaas nool nool ayaa toogasho ku dilay qaar kamid ah taageerayaasha Alsadar kadibna waxaa laga saaray xarumihii ay qabsadeen oo uu kamid yahay qasriga madaxtooyada dowladda Ciraaq.
Dhanka kale Wasaaradda Difaaca Ciraaq ayaa shaacisay in maanta afar gantaal lala beegsaday dhisme la degan yahay oo ku yaalla Khadka Cagaaran ee magaaalada Baqdaad, War saxaafadeedka kasoo baxay wasaarada ayaana lagu sheegay in gantaaladaas laga soo tuuray bariga magaalada Baqdaad,
Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka gantaalada ah. Wararka ayaana intaas diraya in Safaaradda Mareykanka ee Ciraaq ay bilaawday inay daad gurayso inta badan shaqaalaheeda ku sugan Khadka cagaaran sababa laxiriira xaaladda wadanka oo cakiran.
Hubanti la’aan dhanka amaanka ah iyo xiisadaha sii xoogeysaya awgeed xukuumadda Baqdaad waxay shalay ku dhaawacday bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan gobollada dalkaasi si gaar ah magaalooyinka ay degan yihiin dadka Shiicada Rawaafidda ah.
Tan iyo bishii Luulyo ee la soo dhaafay, waxaa sii xoogaystay Khilaaf iyo qalalaase siyaasadeed ee ka dhex aloosan xoogaga siyaasadda dalkaas, gaar ahaan kuwa Shiicada, taas oo hor istaagay in la dhiso dowlad cusub, xaalada ayaana sii xumaatay markii taageerayaasha Muqtada Alsadar ay xilikaas xoog kula wareegeen dhismaha xarunta baarlamaanka Ciraaq iyo xarumo kale oo muhiim.