Dagaallo U Dhexeeya Ciidamada Itoobiya & Kuwa TPLF Oo Dib Kaga Qarxay Gudaha Itoobiya.
Kadib bilo xabad joojin ah oo u dhexeysay ciidamada Federaalka iyo jabhadda TPFL ee Tigreega, waxaa dalka Itoobiya dib uga billowday dagaallo culus oo u dhexeeya labada dhinac.
Dagaalo culus ayaa ka qarxay nawaaxiga magaalada Kuubo, dhinacyada ayaana is weydaarsaday masuuliyadda cida billowday dagaalka, arinkan ayaana Meesha ka saaraya rajada laga qabay in shir nabadeed la isugu keeno dowladda Itoobiya iyo jabhdda TPLF oo maamusha inta badan gobolka Tigreega.
War kasoo baxay xafiidka xiriirka dadweynaha ee xukuumadda Itoobiya waxaa lagu sheegay in jabhadda TPLF ay weeraro kusoo qaaday dhanka bari ee aaga dagaal ee Zoobil iyo Tikolshi, tanina ay ka dhigantahay in jahhaddu ay gebi ahaanba jebisay heshiiskii xabad joojinta.
Dhianca jabhadda TPLF bayaan ay soo saartey waxay ku sheegtay in dowladda Itoobiya ay jebisay heshiiskii xabad joojinta ayna weerar kusoo qaaday meel u dhow magaalada Kuubo oo dhacda koonfurta gobolka Tigreega.
Bayaanka kasoo baxay hogaanka jabhadda waxaa lagu sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Itoobiya uu billow u yahay howlgal ballaaran oo ay qorsheyneyso xukuumadda Abey, kaasoo xoogiisa ka imaan doona dhanka galbeed ee gobolka, sida ay hadalka u dhigtay jabhadda TPLF.
Wakaaladda Reuters oo soo xiganeysa goobjoogayaal Itoobiyaan ah ayaa sheegtay ineysan illaa iyo hadda kala cadeyn cida rasmiga ah ee billowday dagaalka, hase ahaateen labo maalin kahor dagaalka la arkayay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, ayna wehlinayaan malleeshiyaad Amxaaro ah oo dhaq-dhaqaaqyo milliteri ka wada meel u dhow gobolka Tigrey.
Dhanka kale dowladda Itoobiya waxay maalintii shalay war ay soo saartey ku sheegtay iney soo riday diyaarad hub u siday jabhadda TPLF, taasoo ka timid dhanka Suudaan. Afhayeen u hadlay ciidamada Itoobiya ayaana sheegay iney rumeysanyihiin in diyaaradan ay leeyihiin dhinacyo cadow soo jireen ah ku ah dalka Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay, inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka hadlo cida rasmiga ah ee ay tahay.
Diyaaradda ayaa kusoo dhacday meel u dhow deegaan lagu magacaabo Xamiira oo dhaca xuduuda Suudaan iyo Itoobiya, sida ay ciidamada Itoobiya sheegeenna waxaa diyaaradda dhulka soo dhigay ciidanka milliteriga.
Warbixinnada maanta ka imaanaya dhanka gobolka Tigreega waxay ku waramayaan in weli dagaalladu socdaan, islamarkaana marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo, iyadoo aaney jirin rajo ah iney joogsadaan.
Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Antony Gueters ayaa ugu baaqay dhinacydaa isku haya Itoobiya iney joojiyaan dagaallada, kana shaqeeyaan sidii ay isku hor fadhiisan lahaayeen si loo amba qaado wahadallada nabadda.
“ Waxaan dareemayaa murug iyo walbahaar xeeldheer, kadib markii ay isoo gaareen wararka sheegaya in dib uu dagaal kaga billowday dalka Itoobiya” ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ku sugan xarunta qaramada Midoobay ee magaalada Newyork.
“ Waxaan si xoog leh ugu baaqaayaa in la joojiyo dagaallada, dibna loo billlaabo wada xaajoodyada nabadeed, iyadoo ay tahay in dhinacyadu damaanad qaadaan in gargaarka deg dega ah la gaarsiiyo dadka dhiban” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Midowga Afrika dhankiisa bayaan kasoo baxay waxaa lagu sheegay in dhinacyada Itoobiya ku dagaallamaya oo ah xukuumadda iyo TPLF ay la gudboontahay iney joojiyaan dagaalada dib usoo cusboonaaday maalintii Arbacada, laguna soo noqdo xabad joojintii soo socotay 5 bilood oo xiriir ah.
Iyadoo qeyb ka ah horumarada ku imaanaya xaga dagaalka, Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in fallaagada Tigreega ay bililiqeysteen xarumaha hay’ado taabcsan Qaramada Midoobay ku leeyihin magaalada Maqalle oo ah xarunta gobolka Tigreega.
Sarkaal u hadlay Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in kooxo hubeysan oo katirsan Tigreega ay gudaha u galeen xarunta WFP ee magaalada Maqalle, halkaasna ay ka qaateen ugu yaraan 12 booyadood oo shidaal ah, taasoo sida muuqata ay doonayaan iney u adeegsadaan dagaalka hadda ay kula jiraan dowladda Itoobiya.
Sida ay marar badan tilmaameen dadka u dhuun daloola arimaha Itoobiya, waxaa mustaxiil ah in Itoobiya ay kusoo noqoto sideedii hore, dalka ayaana lugaha la galay dagaallo xaga isirka ah, dhinac welibana wuxuu colaad iyo cadaawad u hayaa dhanka kale, Tigreega ayaana markan ku qancin waxan ka ahayn iney noqdaan gobol ka madx banaan Itoobiya, iyagoo ka tanaazuley sida muuqata isku dayadii ay ku doonayeen iney markale dib ugu qabsadaan talada dalka Itoobiya.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin dagaallo dib kaga billowday dalka Itoobiya