Al-Shabaab oo Dowladda Cusub Ee Kenya Kula Talisay Iney Dib U Eegis Ku Sameysto Duullaankeeda Soomaaliya.

 

Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saaray War saxaafadeed ku qornaa luqadda Ingiriisiga kaasoo lagu sheegay in dowladda Kenya ay heysato fursad kale oo u suuragelin karta inay dib u eegis ku sameeyso siyaasadooda arimaha dibadda gaar ahaan duuullaanka military ee gardarada ah ee ay kusoo qaadeen wadanka Soomaaliya, waxaana loo sheegay haddii ay lumiyaan fursadaas inay ciqaabteedu noqon doonto mid ka adag intii hore.

“Doorasho si adag loogu loolamay oo wadanka ka dhacday kadib, Kenya waxay maanta taagan tahay dariiq kalabeyr ah, xilli ay Kenyaatigu isku diyaarinayaan inay xafiiska keensadaan madaxweyne cusub, waxay markale heystaan fursad ay ku muraajaceyn karaan go’aanada siyaasadooda arimaha dibadda iyo raadadka ka dhalanaya go’aanadaas oo uu ugu horeeyo duullaanka sharci darada ah ee ay kusoo qaadeen Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, musharrixiintii uu tartamayey xilka madaxtinimada wadanka mudadii lagu gudajiray ololaha doorashadooda uma soo bandhigin dadweynaha qorshayaasha uga aadan amniga faraha kasii baxaya ee dalka Kenya iyo duullaanka sii daba dheeraaday ee ay ciidankooda ku joogaan Soomaaliya, taasn ay ka tarjumeyso inay weli kusii adkeeysanayaan wadada dagaalka si ay u meelmariyaan danaha madaxdooda reergalbeedka, Iyagoo halis gelinaya nolosha muwaadiniintooda, mudnaanta ugu horeysana siinaya masaalixda reergalbeedka ee ay xaqiijinayaan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hadalkeeda ku tiri: “Muddo 11 sano ah ayaa laga joogaa markii ay Kenya duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya, ilaa maantadana Kenya kuma guuleysan wax un ka mid ah ahdaaftii aasaasiga ahayd ee duullaanka, ciidamada military-ga Kenya waxay ku go’doonsan yihiin saldhigyadooda, kama soo baxaan godadka ay kaga gabbadaan xabadda Mujaahidiinta, mana awoodaan inay qaadaan weerar ka dhan ah Mujaahidiinta, halka dhanka kale, Mujaahidiintu ay sii laba jibbaareen weeraradooda aargoosiga ah ee ka dhacaya gudaha Kenya, ayna fuliyeen boqolaal weeraro abaabulan ah oo lagu beegsaday ciidanka Kenya iyo xarumahooda”

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in markii dowladda Kenya ay ku guuldareysatay sugidda amniga wadanka, inay xukuumaddu maciin biday inay afka u qabato warbaahinta si xaqiiqooyinka argagaxa leh ee laga soo gudbinayo dagaalada looga qariyo dadka Kenyaatiga ah, loogana hortago inay dadku isweydiiyaan su’aalaha xasaasiga ah ee ku saabsan duullaanka Soomaaliya. Waxay sidoo kale dowladda Kenya diiday inay qirato tirada askarta loog dilay Soomaaliya kuwaas oo -ilaa maanta- aan la garaneyn, tiradoodana la ogeyn. Intaas waxaa sii dheer in askartii u dhimatay difaaca dalkooda – sida la sheegay- lagu aasay xabaala aanan la garaneyn, halka maxaabiistii looga qabtay dagaalada meel cidla ah looga dhaqaaqay.

War Saxaafadeedkan kasoo baxay maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Kenya ay sii laba jibbaartay cadaadiska ka dhanka ah dhalinyarada Muslimiinta iyadoo kula kaceysa afduub iyo dilal sharci daro ah iyadoo ku hoos gabaneysa la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada, waxaana ay Xarakadu baaq Muhiima u jeedisay dhalinyarada Muslimiinta.

Intaasi kadib warsaxaafadeedka ayaa lagu wajahay Muslimiinta Kenya, waxaana lagu yiri: “Waxaan muslimiinta Kenya ku boorineynaa inay difaacdaan dhibaatada ay dowladda Kenya ku heeyso iyaga iyo qoysaskoodaba. Aamusnaantiina waxay sii xoojineysaa inuu sii socdo dulmiga lagu hayo walaalahaaga. Muslimiinta Kenya iyo Soomaaliya waa inay yeeshaan istaraatiijiyad wada shaqeyn oo ka dhan ah gaalada, ayna soo jawiibaan baaqa Allaah ee ah inaan la dagaalano gaalada.”

War Saxaafadeedka ayaa gebagebadii fariimo muhiim ah u jeediyey dowladda Kenya iyo shacabkeeda waxaana lagu yiri: “Dhowrjeer ayaanu idinkaga dignay in duullaanka sharci darada ah ee aad kusoo qaadeen Soomaaliya, iyo siyaasadaha dulmiga ku dhisan ee dowladihiina ay yeelan doonaan cawaaqib halis badan, imikana waxaan idiin sheegeynaa in inta ay dowladiinu sii wado duullaanka ka dhanka ah dhulalkeena, sii joogteeyneyso dulmiga ka dhanka ah walaalaheena Muslimiinta, wey sii socon doonaan weerarada ka dhacaya gudaha dalkiina, ogaada inaan gardaradiina ka difaaci doono dhulalkeena iyo dadkeena, waxaan si gaar ah diiradda u saari doonaa fulinta weerarada ka dhanka ah magaalooyinkiina intaba xukuumadiina ay heysato dhulalka Muslimiinta”

Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gunaanadka warsaxaafadeedka ku dirtay farriinta ugu culus waxaana ay yiraahdeen: “Haddii dowladda cusub ee la doortay ay kusii adkeeysato dariiqa dagaalka, iyo sii socoshada duullaanka gardarada ah ee Soomaaliya, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ma beegsan doonto oo kaliya ciidamada kusoo duulay wadanka, balse ay weeraro ka fulin doontaa xudunta iyo xarumaha waaweyn ee Kenya Allaah idankii, ilaa inta saliibiyiinta Kenya laga ceyrinayo dhulalka Muslimiinta ee ay kusoo duulleen, Shareecada Allaahna laga hirgelinayo, diinta oo idilna ka noqoneysa mid Allaah oo kaliya u sugan” ayaa lagu soo gunaanaday war saxaafadeedka.

Kenya ayaa Soomaaliya kusoo duushay sannadkii 2011 bishii October, waxaana ay ciidamadeedu heystaan caasimadda sadaxaad ee Soomaaliya oo ah magaalada Kismaayo, dullaankoodii kadib waxay la kulmeen weerarro culus oo ku qabsaday Soomaaliya iyo gudaha dalkooda, waxaana ugu caansanaa macrakadii Ceelcadde iyo weerarkii Westgate Mall.

You might also like
1 Comment
  1. Hamza says

    Guul xarakati alshabab mujaxidin

Leave A Reply

Your email address will not be published.