Al-Shabaab Oo Muqdisho Ku Dilay Askari Horay Udilay Dad Ay Kamid Tahay Hooyadii!.

Rag katirsan ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa waxay maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka fuliyeen howlgal qorshaysan oo lagu dilay askari katirsanaa ciidanka DF, kaas oo horay u laayay dad shacab ah oo ay kamid ahaayeen eheladiisa.

Howlgalka lagu khaarijiyay askarigaan oo la oran jiray Dhaga-juun ayaa ka dhacay Isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Askarigan la dilay ayaa caan ku ahaa dhibaateynta dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqidsho oo ay ugu horreeyaan ehelkiisa, waxaana uu horay u dilay Hooyadii isaga dhashay, Abtigiis, wiil isaga uu dhalay iyo sidoo kale wiil uu abti u ahaa.

Askarta DF ayaa caan ku ah tacadiyada isugu jira dilalka dhaca iyo kufsiga dumarka oo ay u geystaan bulshada Muslimiinta ah ee ku dhaqan goobaha ay ka taliyaan.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shaabab ayaa marar badan khaarijiyay askar dhowr ah oo horay ugu kacay gabood fallo ka dhan ah dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.