Al-Shabaab oo Sheegatay Dilka Sarkaal Ay In Muddo Ah Doon Dooneysay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dishay Maxamad Cabdullaahi Cusmaan oo kamid ahaa sirdoonka DF. Rag hubeysan ayaa xilligii barqadii ku beegsaday isgoyska Banaadir sida ay goob joogayaan sheegayaan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in ninkan la doon-doonayay in muddo ah, si looga abaal mariyo dambiyo uu ku kacay, waxaana warka kasoo baxay Al-Shabaab lagu yiri:

“Mujrimkan wuxuu ahaa dambiile in muddo ah lagu raad joogay, wuxuu laayey dad shacab ah iyo walaalo Mujaahidiin ah oo uu ku jiro walaalkeen Cabdi Majiid oo ka mid ahaa halyeeyadii ka howlgali jiray Muqdisho” Sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan Jihaazka amiga ee Shabaabul Mujahidiin.

Sarkaalka oo sii hadlaya ayaa waxa uu yiri: “Ka taqalusidda ninkaas mujrimka ah wuxuu mar kale farriin cad u gudbinayaa saraakiisha cadawga, taas oo nuxurkeedu yahay in gacanta dheer ee Mujaahidiinta ay gaari doonto qof waliba maalin maalmaha kamid ah godob ka galay ummadaas Soomaaliyeed ee Muslimka ah ” ayuu sii raaciyay sarkaalka ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin.

Sirdoonka DF ayaa aad uga walwalsan sarkaalka maanta laga dilay, qaarkood ayaa baraha ay Internetka ku leeyihiin kusoo qoray hadallo ay ku muujinayaan inuu dhaawac weyn soo gaaray.

Sheekh Mahad Warsame (Abuu Cabdiraxmaan) oo kamid ah mas’uuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay iney u diiwaan gashan yihiin kuwa ay shaqadoodu tahay dhibaateynta Muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.