Amxaarada oo Beeniyay In Tgrey Qabsadeen Magaalada Weldiya.
Ismaamulka Amxaarada ayaa beeniyay war ay shalay shaaciyeen warbaahinnada intooda badan oo sheegayay in kooxda TPLF ay qabsadeen magaalada Weldiya oo kamid ah dhulka Amxaarada.
Hogaanka nabad galyada ee magaaladaas oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday ineysan arkin wax ciidan ah oo ka socda TPLF magaaladuna gacantooda ku jirto.
Sidoo kale Afhayeenka TPLF oo lagu magacaabo Getachow Reda, ayaa dhankiisa xusay in uusan jirin warka sheegaya in Tigregu qabsadeen Waldiya, waxaana arrintan ay kusoo aadeysaa iyadoo dhawaan TPLF billowday dagaal ka dhan ah xukuumadda Adisababa.
Weldiya waa magaalo muhiim ah oo ku taal degaanka Amxaarada, waxayna u jirtaa magaalada Addis Ababa qiyaastii ilaa 300 oo KM. Waldiya waa istaraatiiji waxaana mara wadada isku xirta Maqalle iyo Adisababa.