Askar Holandeys ah Oo Lagu Dhaawacay Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka.

Dowladda dalka Holland ayaa ku dhawaaqday in 3 askari oo katirsan ciidamada dalkaas lagu dhaawacay toogasho ka dhacay gudaha wadanka Mareykanka.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Holland ayaa sheegtay in 3-da askari ee la dhaawacay ay katirsan yihiin ciidamo Kumaandoos ah oo Mareykanka howlo tababar ah u joogay.

Weerarka toogashada ah ayaa ka dhacay afaafka hore ee hotel ay askarta Holland ka daganyihiin magaalada Indianapolis oo ah xurunta gobolka Indiana ee dalka Mareykanka.

Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa ku waramay in toogashadu ay ka dhalatay murun soo kala dhexgalay askarta la dhaawacay iyo ruux hubeysan taas oo keentay in raasas la huwiyo ciidankii halkaas ku sugnaa.

Wasaaradda difaaca ee dowladda Holland ayaa sheegtay in mid ka mid ah askarta la dhaawacay uu ku jiro xaalad halis ah, halka booliska Mareykanka ay dhankooda sheegeen in laba askari ay xaaladdoodu aad u liidato, kuwaas oo lagu dibiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Indianapolis ee dalka Mareykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.