Baarlamaanka oo Ansixiyay Xukuumadda Iyo Madaafiic Ku Hoobatay Madaxtooyada.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay xukuumadda cusub ee uu dhawaan magacaabay ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.
Kulanka Xildhibaanada oo ka dhacay Madaxtooyada ayaa waxaa hareeyay buuq badan, qeyb ayaa kasoo hor jeeday in la ansixiyo xukuumadda, halka qeybta kale ay taageersanayd.
Gudoomiyaha Baarlamaanka, Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyntii sheegay in la ansixiyay xukuumadda, isla goobta ayaana lagu dhaariyay.
Intii uu kulanka socday waxaa madaxtooyada kusoo hoobtay madaafiic ay soo tuureen milatariga Xarakada Al-Shabaab, gaar ahaan guutada madaafiicda.
DF ayaa wajahaysa culeys milatari oo uga imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Xassan Sheekh oo ay dowladdiisu ku dhaqanto dastuur baalmarsan kitaabka Qur’aanka islamarkaana garabsanaya askar aan muslimiin ahayn ayaa sheegaya inuu Al-Shabaab kula dagaalamayo dhanka fakarka.