Ciidamo Katirsan Maamulka Aala-Sucuud Oo Jirdil Kula Kacay Gabadho Da’ yar Oo Agoon Ah.
Muuqaallo si qarsoodi ah loo duubay oo ku baahay baraha Internetka ayaa muujinaya ciidamo katirsan maamulka Aala-Sucuud gaar ahaan kuwa ammaanka oo gudaha u galay xarun lagu xanaaneeyo agoonta, kuwasoo jirdil u geysanayo tiro gabdho agoon ah.
Tacadigan foosha xun ayaa ka dhacay gobolka Casiir, waxaana gabdhaha lagu xadgudbey ay ku xareysnaayeen xarunta agoonta, iyadoo uu soo kala dhexgalay iyaga iyo maamulka xarunta muran xaga xuquuqda la xiriira, waxayna dalbanayeen in xuquuqdoo la siiyo.
Inkastoo muuqaallada aaney si rasmi u cadeyn tafaasiisha dhacdada billow iyo dhamaad, hadana waxaa la arkayaa 20 askari oo katirsan ciidanka ammaanka oo uu wato sarkaal, kuwaasoo budad iyo qalabyo koronto ku garaacaya gabdho da’ yar oo agoon ah.
Maamulaha xarunta agoonta ee lagu xanaaneeyo gabdhaha ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dambeeyay dhacdada, kadib markii uu ciidamada amaanka ku dalbaday gabdhaha. ilo wareedyo ayaa hadda tilmaamaya in markale uu hanjabaad u jeediyay gabdhaha duubay muuqaalka warbaahinta usoo dusey.