DEG-DEG: Camaliyad Nafhurnimo Ah Oo Lagu Weeraaray Askar Katirsan Ciidanka Gor-Gor.

Weerar nafhurnimo ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa duhurnimadii maanta lala eegtay xero ciidanka DF ku leeyihiin deegaanka Kalabeyrka ee gobolka Hiiraan.

Camaliyadda oo ahayd mid culus islamarkaana jugta qaraxa ka dhashay laga maqlay deegaano badan oo katirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa lala beegsaday saldhig ay halkaasi ka sameysteen askar katirsan ciidanka loogu magacadaray shinbirka GorGor-ka oo uu Turkigu tababaray.

Sida ay tilmaamayaan wararku gaariga ayaa gudaha u galay xerada la beegsaday, xili halkaas ay ku sugnaayeen askar badan, waxaana jira khasaare baaxadleh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidankii xerada ku sugnaa

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada camaliyadan waxayna sheegtay inuu weerarku ahaa mid lagu beegsaday maleeshiyaat dabadhilifyo ah oo loo abaabulayey la dagaalka Mujaahidiinta.

Waxaa la xaqiijiyay in Camaliyadda Nafhurnimada ah Saraakiishii lagu dilay uu kmaid yahay Jeneraal Cabdiqani Subagle oo caan ku ahaa magaca (Jen. Takar subagle) kaas oo ahaa Taliyaha guutada 18aad ee ciidanka Gor-Gor.

Wixii Faahfaahin dheeraad ah halkaan kala soco insha Allah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.