Dhageyso Abwaan Si Xeeldheer Uga Hadlay Habdhaqanka Liyuu Boolis.
Abwaan Cabdirashiid oo kamid ah suugaan yahanada Soomaaliyeed kuna dhashay gobolka Afdheer ayaa ka hadlay habdhaqanka ciidanka Liyu Bolis iyo dagaaladii dhawaan ka dhacay Yeed iyo Aato.
Isagoo u warramayay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa waxa uu sheegay in askarta Liyu Bolis markii hore ay ahaayeen qeyb loo adeegsado furimaha dagaalada ka dhacay gobolada Itoobiya, laakin markii dambe loo badalay iney yihiin Boolis habka milatariga u shaqeeya.
Wuxuu sheegay in arrintaas looga dan lahaa in lagu gumaado shacabka Soomaaligalbeed, wuxuu soo bandhigay qisooyin xanuun badan oo ay ciidanka Liyuu ka geysteen dhulka Soomaalida, wuxuu tilmaamay iney yihiin niman aan dagaal aqoon isagoo tusaale usoo qaatay iney kasoo carareen dagaaladii Tikreega iyo furimaha Canfarta.
Wuxuu suugaan ku bogaadiyay raggii Liyu Bolis ku laayay Yeed iyo Aato, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ay baabi’i doonaan ciidankaas oo ah kuwa ay ku shaqeysato dowladda Itoobiya.