Dhageyso: Al-Shabaab Oo Xalay Howlgallo Ka Fuliyay Banaadir Iyo Sh/Hoose.
Ciidamada mallatariga Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerarro ku qaaday saldhigyo iyo fariisimayaal ay askarta shisheeye iyo kuwa DF kaga sugan yihiin qeybo kamid ah gobalada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Weerardan oo ahaa kuwa culus ayaa waxaa kamid ah gooba lagu beegsaday fariisimayaal ay ciidanka DF ku leeyihiin xaafada Oodweyne ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir iyo degmada Afgooye gobolka Sh/Hoose.
Sidoo kale Mujaahidiintu waxay xalay weeraro xooggan ku mireen saldhigyada shisheehaya haysta deegaanka Golweyn ee hoostaga Buulo mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Gul gesiyasha islaamka xarakatul shabab al mujaxiidin nolada ciizi iyo sharaaf alle xaa idiin dhowro allahuma amiin