Dhageyso: Dagaallo Wali Ka Soconaya Dalka Itoobiya & Amxaarada Oo Wada Barakac Xooggan.

Dalka Itoobiya waxaa ka soconaya dagaallo qaraar oo u dhexeeya xukuumadda Adis Ababa iyo jabhadaha kasoo hor jeeda dowladda Itoobiya,  iyadoona duqeymo culus markale lagu beegsaday bartilmaameedyo kuyaal magaalada Maqalla ee caasimadda Tigrayga.

Quqlulka dadka ka qaxaya guryahooda ayay warbaahinnadu soo gudbinayaan, si gaar ah dadka Amxaarada ah ee ka qaxaya deegaannada ismaamulak Amhara, waxaana wararkii ugu dambeeyay tilmaamayaan in argagax weyn uu ka jiro magaalooyinka gobolkaas, iyadoo xitaa Canfartu ay dareemayaan xaalad cakiran.

Magaalooyin waaweyn oo gaaraya 10 ayaa lagu soo rogay Bandow joogta ah, cabsi laga qabo in kooxda Tigreegu soo galaan, bankiyada ayaana faracyadii ay ku lahaayeen Amxaarada albaabada isugu laabay, dadkana waxaa ku adag iney lacagahooda kala baxaan bankiyada, maadaama albaabada la isuug laabay intooda badan, lacagihiina ay ku xawileen magaalada Adis Ababa ee casimadda Itoobiya.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.