Dhageyso: Fadeexad Soo Wajahday Boliska Dalka Uganda.+Sababta.(Warbixin)

Dalka Uganda waxaa ka taagan fadeexad hareysay dowladda Uganda iyo laamaheeda amniga, kadib markii warbaahinta loo soo dusiyay macluumaad la xiriira in dowladad Uganda ay Yahuudda kasoo iibsatay virus loo adeegsado in lagu jabsao teleefannada gacanta ee loo isticmaalo Internetka, aadna xilligan dunida looga adeegsado.

Yusuuf Siwaaniyaana, oo ah madaxa technologyada xogaha iyo isgaarsiinta ee booliiska dalka Uganda ayaa warbaahinta qaar wuxuu u sheegay in booliiska dalkaas ay oo soo iibsadeen qalab loo isticmaalo karo jabsashada mobeillada, hase ahaate wuxuu sheegay inaan haanta la isticmaalin, sida uu tilmaamayo website-ka Monitor.

Shirkad lagu magacaabo Celibrite, oo laga leeyahay dhulka ay Yahuuddu xooga ku heystaan ayay booliiska Uganda kasoo iibsadeen qalabkan lagu jabsado mobillada, shirkadda ayaana si rasmi ah u sheegtay in qalabkaas ay ka iibisay dowladda Uganda, wax kala gadashadaasna ay tahay mid sharci ah, oo aaney jirin cid lagu waxyeeleyn karo.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Fadeexad soo wajahday boliska Uganda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.