Dhageyso: Faransiiska Oo Kordhiyay Dhibaatada Uu Ku Hayo Muslimiinta.(Warbixin)

Maalinba maalinta ka dambeysa dowladda Faransiiska ayaa qaadeysa tallaabooyin ay cadaadisyo adag ku saareyso Muslimiinta ku nool gudaha dalkeeda, kuwaas oo ay in badan ka hor joogsatay in ay sidey doonaan u muujistaan shacaa’irta diintooda, iyadoona kusoo rogta awaamiir qallafsan.

Sanadadii lasoo dhaafay waxaa dalkaan ku xoogeystay neyceybka ka dhanka ah islaamka iyo Muslimiinta, kaas oo hor seeday in lagu xad gudbo dad badan oo Muslimiin ah, islamarkaana lagu tunto muqadasaadkooda, halka sidoo kalena albaabada la isugu dhiftay Masaajid badan oo ay Muslimiintu lahaayeen.

Dowladdaan iyada ah ayaanan Muslimiinta u reeban wax waliba oo ay diintooda kaga horjoogsan karto, islamarkaana ay ku hos istaagi karto diinta islaamka ee kusii faafaysa gudaha dalkaas, taas oo ay si weyn uga qoob gariirsan yihiin madaxda Faransiiska, maadaama ay yihiin kuwa ay ku fogaatay neceybka ay u qabaan Islaamka iyo Muslimiinta.

Emmanual Macron oo ah madaxweynaha wadanka Faransiiska ee ku caan baxay aflagaada ka dhanka ah nabi Maxamed SCW, ayaa marar badan wuxuu banaanka iska dhigay diblumasiyadii been abuurka ahyad ee ay ku isku qarin jireen madaxda wadamada Reer galbeedka, isagoo si cad weerar ugu qaaday diinta Islaamka.

Wuxuu Macron horay u sheegay in dadka Muslimiinta ah ee sida dhabta ah u heysta diinta Islaamka ay necebyihiin Faransiiska iyo xeerarka uu ku dhisanyahay, sidaas darteedna uu isagu si adag oo aan ka leex leexad lahayn ula dagaallami doono islaamka uu xagjirka ku tilmaamay.

Iyadoo ka duuleysa arrimahaas oo idil, waxay xukuumadda Paris qaaday silsalado jaraa’im ah oo ay ku beegsanayso hormuudka Muslimiinta ee ku nool dalkeeda, kuwaas oo ay ugu horreeyaan culimada iyo A’imadda Masaajidda, si ay u yareyso diinta islaamka ee ku sii xoogeysanaysa dalkaas.

Maalmo ka hor maxkakamad ku taalla Faransiiska ayaa soo saartay qaraar ay dalkaas kaga eryeyso Imaam kasoo jeeda dalka Moroco, kaas oo ay ku eedeysay inuu gudaha dalka ka waday faafinta waxay ugu yeertay fikradaha xag jirka ah, iyo neceybka ka dhan ah Yuhuudda iyo Nasaarada.

Masuuliyiinta xukuumadda Paris ayaa go’aan ku gaaray inay dalka ka saaraan Imaamka kasoo jeeda dalka Marooko ee lagu magacaabo Xasan Echoessen, iyadoo aan la sheegin xilliga la dhaqan-gelinayo arrintan, balse waxaa qaraarkaan golaha baarlamaanka hor geeyay wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Faransiiska ninka lagu magacaabo Gerald Darmanin, isaoona amar ku bixiyay in muddo 24 saac gudahood uu dalka kaga baxo Imaamka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Daacigani uu sannado badan jeedinayay hadalo naceyb ah oo ka dhan ah qiyamka Faransiiska, kaas oo uu tuilmaamay in uusan la jaan qaadi karin mabaadi’da cilmaaniyadda ee u degsan dalkaas.

Marka laga yimaado inuu boorin jiray neceyka ay Muslimiinta u qabaan Yuhuudda, Arrimaha kale ee lagu heysto imaamkaan waxaa kamid ah, in uu weerar xagga afka ah ku qaaday dadka isku jinsiga ah ee is hunguriyeeya, kuwaas oo xuquuq iyo maamuusba ku dhex wadamada reer galbeedka.

Mar sii horreysay waxaa imaamkaan dacwad ka gudbiyay hay’ado ay Yuhuuddu leedahay iyo qolyaha isuku jinsiga ah ee wax is ka daya, kuwaas oo wadaadka ku eedeeyay inuu jeediyay khudbado naceyb ah oo ka dhan ah Yuhuuda, iyo faafinta fikrado ay ku sheegeen iney xag jir yihiin oo beegsanaya dadka kirishtanka ah.

Imaamkaan oo 57 sano jir ah ayaa ku dhashay gudaha dalka Faransiiska, balse asal waxaa waxa uu kasoo jeeda waddanka Moroco, wuxaana daaci ay ku xiran yihiin kumannaan ruux oo Muslimiin ah, kuwaas oo uu towjiihaad diini ah ugu gudbiyo baraha Intenetka, waxaana dadka ku xiran ay gaaraayaan Rubuc Milyan ruux oo Muslimiin ah.

Dr.Idiris Al-Kanbuuri, waa khabiir ka faallooda arrimaha jamaacaadka islaamiga ah, isagoo ka hadlayay qadiyadda Imaamkaan ayuu sheegaya, in eedeysamaha loo jeediyay ay ku yimaadeen qararaadka islaam la dirirka ah ee ay qaadaneyso xukuumadda Paris, waxa uuna intaa ku daray, in dowladda Faransiiska khidaab waliba oo uu Qu’raanku ka sheegay Yuhuudda ay u aragto mid hurinaya neceybka ay Muslimiintu u qabaan Yuhuudda, iyadoona xittaa kuwa sheegta islaamka dhex dhexaadka ah ay dowladdan u aragto inay yihiin qeyb ka mid ah xagjirnimada.

Tallaabada ay qaaday xukuumadda Paris ee ay ku eryeyso Imaamkaan kasoo jeeda dalka Moroco ayaa dhalisay caro xooggan, taas oo sababtay in dowladda Faransiiska ay dib u eegis ku sameyso qaraarkeedii hore, iyadoona hakisay masaafurinta daacigaan kasoo jeeda dalka Moroco.

Arrinta Imaamkaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo isla bishaan ay dowladda Faransiiska muddo 8 sanandood ah ku xukuntay Saabir Al-Axmar oo ah masbuus hore ugu xirnaan jiray Xabsiga Guwantanamo kana kasoo jeeda dalka Al-jeeriya, kaas oo isagana lagu soo eedeeyay arrimo lamid ah kuwa dalka looga musaafurinayo Imaamka kasoo jeeda dalka Moroco.

Saabir waxa uu dheeryahay in xukuumadda Paris ay ku heysato inuu ka tirsan yahay kooxo ay ugu yeertay inay Argagaixiso yihiin, sidoo kalena uu manaabiirta ka jeedin jiray khudbado lid ku ah Yuhuudda iyo Nasaarana, kuna baaqi jiray in la aado wadamada uu Jihaadku ka socodo, laguna biiro Jamaacaadka Jihaadiga ah ee ka jira caalamka islaamka.

Marka loo eego eedeymaha uu wajahayo Saabir Al-Axmar, way ka culus yihiin kuwa lagu xeysto imaamka kale, tan ugu weyn ee uu wajahayo ayaa ah inuu ku baaqay leynta Yuhuudda iyo dadka ka ridoobey dintooda, iyo inuu Muslimiinta ugu baaqay iney shahaado dalbaan.

Bishii May ee Sannadkii 1969-kii ayuu Saabir Al-Axmar ku dhashay dalka Al-Jeeriya, isagoona shahaado ka qaatay barashada culuumta diinta islaamka, waxuunu noqday sida ay sheegeen hay’adaha reer galbeedka xubin ka tirsan Jamaaco islaami ah oo sagaashameeyadii ka howlgali jirtay dalkaas.

Si uu udhameeyo barashadiisa xagga cumuulka shareecada islaamka wuxuu u safray magaalada Madiina, intaas kadib ayuuna aaday Boosniya iyo Hersik, intii u dhexeysay sandihii 1996 illaa 2001-dii, isagoona imaam ka noqday masjid weyn oo ku yaalla Magaalada Saraayiifu.

Bosniya ayaa Saabir u gacan galisay Mareykanka horaantii 2002-dii, isaga iyo 5 ruux oo kale oo Aljeeriyaan ah, iyagoo looga shakiyay inay qorsheynayeen weerar lagu qaado safaaradda Mareykanka ee dalkaas. Waxaana loo gudbiyay xabsiga sumcadda xun ee Guantanamo ee ku yaalla jasiiradda Cuba, halkaasoo uu ku xirnaa ilaa 2008-dii, iyadoo ugu dambeyn ay wax dambi ah ku waysay dowladda Mareykanka.

Intaas kadib Madaxweyinihii Faransiiska ee xilligaas Nicolas Sarkozy ayaa ogalaaday, qaabilaadda laba kamid ah maxaabiista ku xirneyd xabsiga Guwantanamo oo xurriyadooda dib loo siiyay, kuwaas oo kala Lakhdar Boomdiin iyo SaabirAl-Axmar, iyagoona horraantii bishii Desember ee sannadkii 2009-ka tagay dalka Faransiiska.

Si kastaba ha ahaatee xad gudubyadaan ay wajahayaan ducaadda iyo A’immada Masaajidka ee dalka Faransiiska ayaa ku biraya silsilado gabood faloo ah, oo ay dowladdan ku caan baxday islaam neceebka kula kaceyso Muslimiinta ku nool dalkaas, waxayna dowladdani xittaa Mamnuucday xijaabka sharciga ah, iyadoona si is daba joog ah usoo saarta qaraaraad lagu cadaadinayo Muslimiinta ku nool gudaha Faransiiska.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Faransiiska oo Xarig iyo Musaarufin kula kacay labo kamid ah ducaadda Muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.