Dhageyso: Majallad Saadaalisay In Waqti Dhow Soomaaliya Ay Ka Dhici Doonaan Wax Lamid Ah Wixii Ka Dhacay Afghanistan [Warbixin].

Majallada Umatun Waaxida, waa majallad dacwi ah sidoo kalena Taxriid ah oo ay baahiso mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab ee ku hadasha afka Mujaahidiinta Al-Qaacida, waxay baahisay cadadkeeda todobaad oo ah mid cusub, islamarkaana ay ku qoranyihiin maqaalaad iyo qormooyin cajiib ah, soo jiidashana leh.

Coverka guud ee majallada waxaa la saaray khariirada Soomaaliya oo dhan, taasoo lagu xardhey calanka Towxiidka, qeybta hoosena waxaa la saaray sawirka ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo socdaal dheer ku jira, qoraal kooban oo lagu dul qoreyna waxaa lagu yiri “Waa rajadii oo la gaarey, iyo natiijada halgan waayo fog soo socday”.

Iftitaaxiyada cadadka todobaad ee majallada Umatun Waaxida, waxaa ciwaan looga dhigay aayadda uu Allaah ku tilmaamay in guusha iyo fatxiga ay yihiin mid kamid ah waxyaabaha aan jecelnahay, Allaahna uu umadiisa siinayo marka ay Jihaado, waxaana lagu yiri “ masiirka magaalada Muqdisho wuxuu dhawaan soo geli doona gacanta raggeedii difaacay ee ilaalinayay, Jihaadka reer Muqdishana natiijadiisu ma noqon doono mid ka fog halka uu ku biyo shubtey jihaaadka reer Afqaanistaan”.

Waxay Iftitaaxiyadu soo bandhigeysaa taxliil qotadheer oo uu qorey tifaftiraha majallada Umatun Waaxida, kaasoo uu kusoo bandhigayo fashilka qaraar ee dhabakra loo saarey xamlada milliteri ee ay reer galbeedku kusoo qaadeen Soomaaliya, iyo sida uu u guuleystey miro wanaagsanna u keenay Jihaadka ay umadda Soomaaliyeed iyo si guud muslimiinta bariga Africa ku hogaamineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“ Wax la baciidsado maahan in Soomaaliya ay mar dhow ka dhacaan wax lamid ah wixii bilo ka hor aan ku aragnay Afqaanistaan, waxaa jira wejiyo badan oo waaweyn oo ay isaga egyihiin labada dal, taasoo uu arki karo qof weliba oo daneeya diiwaan gelinta dhacdooyinka labada dal, kama shakinayo qofka indha indheeya dhacdooyinka bariga Africa, in masiirka magaalada Muqdisho uu dhawaan soo geli doona gacanta raggeedii difaacay ee ilaalinayay, Jihaadka reer Muqdishana natiijadiisu aanu noqon doonin mid ka fog halka uu ku biyo shubtey jihaaadka reer Afqaanistaan, waxaana la arki doonaa iyadoo Nataha Africa ee ka dhigan “AMISOM” ay si dullinimo jirto uga cararaan dhulka Ardul Hijrateyn”. Ayuu leeyahay muxarrirka majallada Umatun Waaxida.

Waxaa jira dhinacyo badan oo ay isaga egyihiin saaxaadka Afqaanistaan iyo Soomaaliya, taasoo keeneysa- sida majallada Umatun Waaxida tilmaameyso- iney yaqiin ahaan aaminaan in Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab oo ah faraca AlQaacida ee bariga Africa, ay geli doonto magaalada caasimadda ah Muqdisho, iyadoo wadata ciidankeeda, aaminna ah, islamarkaana jirin cid ay ka cabsanayaan, nasri iyo fatxi dhowna uu hareyn doono guud ahaan caalamka Islaamka. “ haddii uu dheeraaday hadalkeyga ku aadan rajada Soomaaliya iyo nasriga dhow ee la filayo, inbadan oo kamid ah hadallada ku saabsan qadiyadan waxaa horey u sahdaaliyay majallada Ameerika laga leeyahay ee Foreign Policy” ayuu leeyahay tifaftiraha majallada Umatun Waaxida oo qorey maqaalka iftitaaxiyada u ah cadadka 7aad ee soo baxay dhamaadka bisha Muxarram 1444-ta hijriyada.

“Soomaaliya waxay wajaheysaa duulaan milliteri oo xaga dibadda ah, si lamid ah sidaba Afqaanistaan ay u wajaheysay arinkaas, labada dalna waxaa laga dhisay xukuumado dabadhilif ah, waxayna booska ka riixdeen oo horey labada dalba uga jirey maamul islaami ah, labada xukuumadood ayaana ku tiirsaneyn naftooda, 90% dhaqaalaha ay labadaas dowladood ku dhisanyihiinna waxay ka imaanayeen dibadda” ayay leedahay warbixinta mar ay tilmaameysay dhinacyada ay iska egyihiin Soomaaliya iyo Afqaanistaan, ka hor inta aaney Afqaanistaan xuroobin, dowlad islaami ahna laga taagin.

Dhanka kale, waxaa jira dagaal culus oo jabhadeyn ah oo ay wajaheyso xukuumadda Soomaaliya, gudahadeedana waxaa ka taagan khilaafaad aan dhamaad lahayn oo la degay hab maamulkii xukuuumadda, dadka arimaha Soomaaliya ka faaloodana waxay tilmaamayaan in khilaafka madaxda sare u dhexeeya uu ka xoog badan yahay kii u dhexeeyay Ashraf Ghani, madaxweynihii hore ee xukuumada Kaabul iyo ra’iisul wasaarihiisii Cabdalla Cabdalla.

Mid kamid ah tusaalooyinka udub dhexaadka u ah fashilka dimuqraadiyad ku sheega Soomaaliya, waxay leedahay majallada Umatun Waaxida, waa in reer galbeedka iyo dowladaha Afrikaanta ah ku guul dareysteen iney dhisaan dimuqraadiyad mustaqbalka fog ku tiirsanaan karta dadaallo gudaha ah, oo aan u baahneyn taageero xaga dibadda ah, si lamid ah sidaba 20 sano oo xiriir ah ugu fashilmeen in Afqaanistaan ay ka dhisaan maamul naftiisa ku tiirsan oo aan u baahneyn kaalmo Shisheeye.

“ Jirtaanka xukuumadda dabadhilifka iyo ciidankeeda Murtadiinta ah, milliteri ahaan iyo dhaqaale ahaan ayaa ku tiirsan joogitaanka ciidamada Saliibiyiinta, gebi dhacleynta gumeystaha, boobka kheyraadka shucuubta iyo adoonsiga dadka u dhashey dalka, sidoo kale in dabadhilfiyadooda ay gacanta u geliyaan adawaatka gabood falka iyo dhibaateynta shacabka  ayaana ah arimo muujinaya, in gumeystaha iyo wakiiladiisu aaney sii joogi Karin dalkan. Dhamaan arimahan iyo halka ay ku biyo shubteenna waxaan horey ugu aragney Afqaanistaan oo ay markii dambe Mujaahidiintu mirihii dadaalkooda gurteen” ayaa lagu yiri ifitaatixiyada majallada Umatun Waaxida cadadkeeda cusub ee todobaad.

Sida ay warbixintu tilmaameyso, Waxaa intaas ka hor imaanaya, iyadoo Soomaaliya uu ka jiro mashruuc Islaami ah oo hubeysan, kaasoo qaadaya dhabaha dagaalka, Jihaadka iyo la sabartanka cadowga mudo qarniyo ah, kaasoo asaas ahaan ku socda Towxiidka Alle iyo in la qabsado Shareecada, dhaq-dhaqaaqaas Jihaadiga ah ayaana ah mid weyn oo marba marka kasii dambeysa kobcaya, wuxuuna leeyahay ciidan wada socda iyo hogaan mideysan, khariiraada Soomaaliya oo idilna wuxuu ku leeyahay wujuud iyo jiritaan.

Kayaankan Jihaadiga ah ee hadda ka jira Soomaaliya wuxuu marayaa halkii ugu wanaagsaneyd, wuxuu soo hoynayaa maalin weliba guulo isdaba joog ah, howlgalladiisa ugu adagna waxay ka dhacayaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyo xitaa dalalka deriska ah, maalinba maalinta xigtana waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dhex jeexaysaa maamulka dabadhilifka. “ haddii aad xusuusataanna dhamaan arimahan waxay horey uga jireen saaxada Afqaanistaan” ayay leedahay iftitaaxiyada majallada Umatun Waaxida cadadkeeda todobaad.

Marka laga hadlo xaga dhaqaalaha, waxay majallada Umatun Waaxida tilmaameysaa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gaartey isku filnaansho xaga gudaha ah, iyadoo adeegsaneysa wasiilooyinka sharciga ah ee lagu abuuro dhaqaalaha, sida uruurinta Zakawaatka, sidaasi darteed “ Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay kamid tahay nawaadirta xarakaatka Jihaadiga ah, waxayna isticmaaleysaa istiraatiijiyad iskaabeysa oo ballaaran, meelaha qaarna dabcan ka duwan Imaarada islaamiga ah ee Afqanaistaan, waxayna ku socotaa tallaabooyin sugan oo ay kalsooni ka muuqato, aadna kuu cajabineysa.

“ Ma hilmaami karno inaan bogaadinno sida ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ihtimaamka gaarka ah u siiso muslimiinta ku hoos nool maamulkeeda, taasoo aan ka aragnay tallaabada ay ku furyeso isbitaallada caafimaad, shaqooyinka ugu abuureyso bulshada, dadkana ay ku siineyso dowraatka waxbarasho, dadaalkeeda looga mahadcelinayo ee la xiriira in muslimiinta ku hoos nool ay wanaag iyo baraare ku noolaadaan, iyagoo hoos harsanaya Shareecada Islaamka, waa dadaal barakeysan, Allena waxaan weydiisaneynaa inuu waafajiyo sidii ay kusii hormarin lahaayeen” ayay leedahay majallada Umatun Waaxida oo ah majallad ay soo saaraan mujaahidiinta Al-Qaacida.

“ In Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gudaha u gasho magaalada Muqdisho waa arin waqtiga ku xiran oo keliya, Soomaaliyana ma noqon doonto mid lamid ah Afqaanistaan, oo ay tahay in wax weliba oo ka dhacay Kaabul ay ka dhacaan Muqdisho, laakiin waxaan sugi karo waxay tahay in dimuqraadiyadda baaliyoowday ee ka jirta Muqdisho, ay noqotoay mid si dhameystiran u kala firirsan, Muqdisho ayaana mar dhow waxay huwan doontaa go’a Islaamka iyo hoos guntiga Shareecada dhaahirka ah, si lamdi ah sidaba Kaabul ay u guntatay, masiirka Muqdishana wuxuu gacanta u geli doonaa Imaarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sidaba Kaabul ay gacanta ugu gashey Imaarada islaamiga ah, tajrubada dhalinyarada Mujaahidiinta ahna waxay saameyn ku yeelan doontaa Kenya, Uganda, Africa iyo guud ahaan caalamka” ayuu leeyahay tifaftiraha majallada Umatun Waaxida oo qorey iftitaaxiyada cadadka todobaad ee majallada Umatun Waaxida.

“ Gebegebadii, masiirka Muqdisho waxaa jaan goyn doona koboca awoodda Mujaahidiinta, iyo in si gaar ah u kordhiyaan weerarada ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale inuu hoos u dhaco howl gudashada xukuumadda federaalka, xilli aaney ciidamada Afrikaanta iyo howlgalka Africom-ba diyaar u ahayn iney dagaal horleh galaan” ayay leedahay majallada Umatun Waaxida.

“ Qofka isha ku haya arimaha Soomaaliya uma harin inuu sugto mooye saacatu Sifir, taasoo ay xadidi doonto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuna bilaaban doonto daawashada muuqaalladii quruxda badnaa ee ka imaanayay Kaabul oo kale, ma garan karo in markale uu soo noqon doono mash-hadka safiiro iyo diblumaasiyiin reer galbeed ah oo boorsooyinka jiidanaya, iyo in la arki doono dad markale liigaya taayarada diyaaradaha Saliibiyiinta oo uu hilbahooda kusoo daadan doono dhulka, si lamid ah sidaba aan ugu aragnay Kaabul” ayuu yiri tifaftiraha majallada Umatun Waaxid.a

“ Dhalinyaradii Soomaaliya, u socda xaga guusha, libaaska Shareecadana u jiida dhankaas iyo Muqdisho oo uu ku dul miriray libaaska Saliibiyiinta, Raggii horudhacyada u ahaa Jihaadka ahaana fursaanta halganka, umadda muslimka ah ee mideysan waxay sugnaantiina, guulaha aad gaareysaan iyo sha’nigiina sarreeya ka aragtaa inuu Allaah idin ilaalinayo, ee horey u socda illaa Xaqqu ka gaaro waqtigii uu idmanaa, adkeystana illaa raayaadka Towxiidka ay markale ka dul babanayaan Muqdisho korkeeda, ku booda waxay naftu kahaneyso, Jihaadka dhabta ah ee wadada Allaahna ku jihaatama, lana halgamasha xabashida dalkiina kusoo duushey, oo la legdama ardaasha Soomaaliya joogta, kuna sabra sabar wanaagsan majaalka geerida illeen cid waareysa ma jirto’e, jaanibka cafinta iyo saamaxaadana badiya marka aad fatxi iyo guul gaartaan, dadkana u bishaareeya oo ha kala dididinina, seyftana dhiga booska ay leedahay, cafwigana dhiga booska uu mudanyahay, xasiloonida iyo yaqiintana ka dhigta jalbaab, geesnimadana ka dhigta libaas, Alle ayaana idin la jira meel kastoo aad joogtaan, kuna kalsoonaada iney idin ka dambeyso nolol aan dhamaad lahayn, ee libaaxyadii Soomaaliyow dagaalka daran dooriya, Alle ayaa idin la jiro’e, oo ma idin ka nuqsaamin doono acmaashiina” ayaa lagu soo khatimey iftitaaxiyada cadadka 7aad ee majallada Umatun Waaxida ee kasoo baxda mujaahidiinta Al-Qaacida.

Iftitaaxiyada waxaa ku laamanaanaa sawirro dhowr ah oo quseeya saaxada jihaadka ee bariga Africa, waxaana kamid ahaa sawirka sheikh Mukhtaar Cabdi Raxmaan Abu Zubeyr oo lagu dul qorey “shahiidkii aas-aasaha ahaa iyo amiirkii ballan oofinta badnaa”. Waxaa kaloo lasoo bandhigay Sheekh Mahad Warsame Abuu Cabdi Raxmaan oo la taagan ciidamo Muhaajiriin ah oo dhameystay mucaskar tababar, waxaad sidoo kale arkeysaa naftood huriyaashii weeraray saldhiga Manda bay ee Lamu, sawirro laga soo qaaday xafaladdii lagu soo bandhigayay muqararka dugsiga dhexe ee maktabka Tarbiyada iyo Tacliinta iyo sidoo kale sawirka salaaddii Ciida ee lagu tukaday Isbartiibada Muqdisho sanadkii 2010-ka, xilligaas oo Muqdisho inbadan oo kamid ah lagu xukumayay Shareecada Islaamka.

Marka laga soo tago Iftitaaxiyada cadadka todobaad oo ahayd mid aad u dheer, waxaa cadadkan lagu soo bandhigay maqaalaad kala duwan oo ay qoreen mashaa’ikh iyo wariyaal katirsan Mujaahidiinta Al-Qaacida, waxaana kamid ah mabaaxith Istiraatiijiyadeed, Sixirku waa gaalnimo ee ha gaaloobin, halisyada ku hoos duugan mustalaxaha Tadhbiica ama caadiyeynta ee loo isticmaalo xiriirka dhexmaraya Yahuudda iyo wadamada caalamka Islaamka, haddii ay ku dhaaftay sharafta Suxbanimada yeysan ku dhaafin sharafta u aargudidda Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam, Suuradda Yuusuf iyo raadadka ay ku leedahay dhisamah xaga Akhlaaqda iyo siyaasadda ee Mujaahidka, taariikhda Al-Ustaad Axmed Faaruuq oo ahaa amiirkii AlQaacidada jaziirad u ekaha Hindiya iyo maqaalaad kale oo cajiib ah.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Majallada Umatun Waaxida Cadadkeeda 07-aad.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.