Faahfaahin: Weerar Khasaare Lagu Gaarsiiyay Askarta DF Oo Ka Dhacay Muqdisho.
Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaare ka dhashay weeraro silsilado ah oo saaka ciidamada Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisimayaal ciidanka DF ku leeyihiin degmooyinka Yaaqshiid, Howlwadaag, Hodan iyo Kaxda ee gobolka Banaadir.
Hal askari ayaa ku nafwaayay weerar xooggan oo lagu ekeeyay fariisin ay ciidanka DF ku leeyihiin xaafadda Ceymiska ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, halka laba askari oo kale lagu dhaawacay weerar lagu qaaday fariisinka askarta DF ee xafaadda Taraqa iyo Sigaarka ee degmada Howlwadaag.
Sidoo kale qarax maanta lala beegsaday askar katirsan ciidanka DF oo ku sugnaa xaafada Cali Goley ee degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhaawacyo culus ku noqday 2 askari oo katirsan ciidanka lagu weeraray qaraxaasi.
Dhanka kale Militari-ga Al-Shabaab ayaa xalay iyo maanta dagaallo xooggan oo isugu jira weeraro dhabba-gal iyo kuwa toos ah waxay ku beegsadeen ciidanka shisheeye iyo kuwa DF ee ku sugan gobollada Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose, Baay iyo Bakool, waxaana dagaalaadas ka dhashay khasaarooyin soo gaaray shisheeyaha iyo la jira yaashooda Soomaalida ah.