Qarax Ka Dhacay Hiiraan Oo Lagu Dilay Gudoomiyihii Hore Ee Matabaan Iyo Sarkaal.

Qarax galabta ka dhacay duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay sarkaal ka tirsan DF.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xooggan waxaana waxaana ilo wareedyo ay xaqiijinayaan in uu ku dhintay Cabdullaahi Cumar Xaashi (Indhobiriq) gudoomiyihii matabaan, haddana ahaa sarkaal ka tirsan DF.

Weerarkan oo ay geysatay Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale ku nafwaayay Maxamed Xuseen oo isna kamid ahaa saraakiisha hogaamisa ciidamada.

Intaa waxaa dheer in qaar kamid ah ilaaladoodii ay ku dhaawacmeen, saraakiishan ayaa la sheegayaa iney xiriir dhow la lahaayeen ciidamada Xabashida.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.