Itoobiya Oo Mar Kale Duqeyn Dhanka Cirka Ka Ah Ka Gaysatay Magaalada Mekelle.

Diyaarahada aan duuliyaha laheyn ee dowladda Xabashida ah ee Itoobiya ayaa xalay saqdii dhexe waxay duqeymo xooggan oo khsaare sababay ka fuliyeen gudaha magaaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigreega ee dhaca waqooyiga dalka Itoobiya.

Afhayeenka kooxda TPLF, Getachew Reda ayaa war qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in duweymaha lagu bartilmaameedsaday goobo rayid, isagoo tilmaamay in aysan jirin wax bartilmaameedyo ciidan ah oo la duqeeyay.

Kibrom Gabra Salasi oo ah madaxa isbitaalka weyn ee magaalada Maqalla ayaa sheegay in ay jiraan dad ku waxyiloobay duqeynta xalay ka dhacday magaaladaas, balse ma sheegin tarda dadka wax ku noqday.

Warbaahinta oo soo xiganaysa ilo katirsan kooxda TPLF ayaa ku waranatay in tobonaan ruux ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar dhinaca cirka ka ah oo ay gaysatay diyaaradaha duuliye la’anta ah ee xukuummadda Abay Axmed.

Dhanka kale warar ka imaanaya waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay ciidanka itoobiya oo garabsanaya maleeshiyaadka Amxaarada iyo kooxda TPLF ay ka qarxeen deegaanada dhowr ah oo dhaca ismaamulka amxaarada gaar ahaan gobolka Wollo, Waxaana halkaasi ka dhacay dagaalo xooggan oo la iska adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Waxaa xusid mudan in 24-kii bishan ay dib u soo cusboonaadeen dagaalladii u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya iyo jabhadda TPLF, kadib heshiis xabad joojin ah oo socday muddo 5 bilood ah, iyadoo sidoo kale ay labada dhinac isweydaarsadeen eedeymo la xiriira hurinta xolaadaha ka aloosan gudaha dalkaasi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.