Khasaare Baaxadleh Oo Ka Dhashay Dagaallo Ka Dhacay Dalka Liibiya.

Dagaallo qaraar oo la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud ayaa muddo 3 maalin waxay ka socdaan caasimadda dalka Liibiya, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda ku meel gaarka ah ee Liibiya ayaa ku dhawaaqday in iska hor-imaadyo tan iyo Jimcihii ka socday magaalada Tripoli, ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ku dhawaad 100 ruux oo isugu jira dad Shacab ah iyo dhinacyadii ay diriritu u dhaxeysay.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda dalkaas waxaa lagu sheegay in ugu yaraan 12 ruux ay ku dhinteen halka 87 kalena ay ku dhaawacmeen oo qaar kamid ah ay qabaan dhaawacyo daran.

Dagaaladan khasaaraha geystay waxay u dhaxeeyaan ciidamo taageersan xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare C/xamiid Dabiiba iyo maleeshiyaad ka amar qaata sarkaal lagu magacaabo Haytham Tajuuti oo ka soo horjeeda siyaasadda xukuumadda dalkaasi ka dhisan.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in maanta xaalad deganashiyo ah laga dareemayo magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, wallow ay dhinacyadii iska soo horjeeday ay wali isku hor fadhiyaan aagagii lagu dagaalamay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.