Kun Qof Oo Ku Dhintay Dalka Pakistan Iyo Xaalad Deg Deg ah Oo Lagu Dhawaaqay
Roobab mahiigaan ah ayaa Jimcihii shalay ka da’ay inta badan dalka Pakistan, kuwaas oo sababay khasaare baaxadleh, waxayna dowladda dalkaas ay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo wax looga qabanayo musiibadan saameeysay in ka badan 30 milyan oo qof.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka in ka badan 900 oo qof ayaa u dhintay 24-kii saac ee la soo dhaafay taasoo ka dhalatay roobab dabeylo watay oo tan iyo bishii June dalkaas ka da’ayay.
Hay’adda ayaa shalay sheegtay in dadka ku dhintay Musiibadan ay gaarayaan 937 qof halka in kabadan 30 milyan oo ruux oo kalena ay ku guryo beeleen kuwaas oo wajahaya cuna la’aan.
Balse saacaadba saacadda ka danbeysa waxaa isi soo taraya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay musiibadan, waxaana tirakoobkii u danbeeyay ee maanta lasoo saaray lagu xaqiijiyay in tirada dadka geeriyooday musiibadan ay gaartay 1000 ruux oo ay ku jiraan 343 carruur ah.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalkaas ayaa lagu sheegay in 33 milyan oo qof ay si ba’an u saameeyeen fatahaadaha, iyadoo hay’adda masiibooyinka ee dalka ay sheegtay in daadaadku ay dhulka ku dareen ku dhawaad 220,000 oo guri, halka Nus milyan kalena ay waxyeello xoogan u geysteen.
Meelaha ugu daran ee ay dhibaatadu ka dhacday ayaa ah gobollada Baluchistan iyo Sindh oo kula yaalla koonfurta iyo galbeedka dalka, maamulka gobolka Sindh ayaa sheegtay in laba milyan oo hektar oo dalagyo kala duwan ay ku beerneyd ay daadadku baabi’iyeen.
Sidoo kale gobolka Baluchistan waxaa ku dhintay In ka badan 504,000 oo neef oo lo’ ah halka 129 buundooyin ahna ay burbireen, waxaana xirmay inta badan wadooyinka soo gala gobolkaasi, iyadoona ay buux dhaafiyeen tobannaan biyo-xireenno ah oo ku yaalla gobolkaas, halka muddo kabadan toddobaad ay xiran tahay Waddada ugu weyn ee ka timaada magaalo xeebeedka Karachi – oo ah magaalada ugu weyn dalka Pakistan.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Pakistan ayaa lagu amaray ciidanka Militari-ga dalkaas inay qeyb weyn ka geystaan howladda iyo dadaalada samataxibinta ah ee lagu baadbaadiyo malaayinta qof ee ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha dalkaas ka jira.
Saraakiisha Pakistaan ayaa sheegay in daadadka sanadkan ku dhuftay dalka ay la mid yihiin kuwii sanadkii 2010-kii, kuwaas oo ahaa daadadkii ugu xumaa abid, markaasoo in ka badan 2,000 oo qof ay ku dhinteen, qiyaastii shan meelood meel dadka dalkaas ay ku go’doomeen.
Isku soo wada duube dowladda dalkaas ayaa ku dhawaacday xaalad bini’aadanimo tii ugu xumeed, waxayna dalbatay gar-gaar caalami ah si wax looga qabto musiibadaan saameynta ku yeelatay dad ka badan 30 milyan oo qof.