Maxaa Kasoo Kordhay Hawlgalka Ka Socda Hotel Xayaat oo Ay Saacaddii 4-aad Heystaan Ciidanka Al-Shabaab?.

Hotel Xayaat oo ku yaalla isgoyska KM4 ayaa waxaa saacaddii afaraad ka hawl galaya ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goor sii horreysay la wareegay.

Tan iyo intii uu weerarku biloowday waxay dagaalyahannada Al-Shabaab fashiliyeen isku dayo 5 gaaraya oo ay ciidamada DF ku doonayeen iney gudaha kusoo galaan amaba dhismaha ay aagag ka sameystaan.

Isku daygii ugu dambeeyay ee askarta DF wuxuu ahaa mid ay kusoo gaareen biyaanada koowaad ee Hotelka, balse qaraxyo waaweyn oo ay la kulmeen kadib goobta waa ay isaga carareen, waxayna qaateen meydad iyo dhaawacyo.

Hotelka ayaa ku yaalla isgoyska KM4, waxaa daga oo ku caweeya mas’uuliyiinta iyo saraakiisha DF. Afhayeenka ciidanka Booliska DF wuxuu dhankiisa xaqiijiyay in askarta Al-Shabaab ay wali ku jiraan gudaha hotelka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dhankeeda xaqiijisay in ciidankeeda ay gacanta ku hayaan hotelka islamarkaana uu hawlgalkoodu si habsami leh ku soconayo.

Ilo madax bannaan ayaa sheegaya in khasaaruhu uu aad u badan yahay, maadaama ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay qaraxyo dhowr ah la beegsadeen ciidamadii gurmadka ahaa iyo kuwii hotelka ilaalada ka hayay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.