Mujaahidiinta Maali Oo Sheegtay Weeraro Cusub Oo Ka Dhacay Gudaha Dalkaas.(Warbixin)

Dalka Maali waxaa ka dhacay weeraro hor leh oo ay fulisay jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee ka jihaada wadamo dhaca saxaraha iyo saaxilka qaaradda Africa, kuwaas oo dharxaabooyin hor leh lagu gaarsiiyay ciidamada xukuumadda Bomako.

Weerardaan cusub oo ka kala dhacay qeybo kamid ah dalka Maali ayaa lagu soo waramayaa iney dhaliyeen waxyeello kala duwan oo soo gaartay ciidanka xukuumadda, iyadoona sii murjiyay xaaladda walaacsanaanta ah ee ay la nool yihiin askarta dalkaas.

Bayaan Kasoo baxay jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin islamarkaana ay baahisay Mu’assasada AzZallaaqah oo ku hadasha afka jamaacada ayaa lagu faah faahiyay weerardii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Maali.

Inta badan weerardaan waxay ka dhaceen Mandiqad dhacda Koonfurta dalka Maali, waxayna isugu jireen kuwa toos ah, iyo weeraro jid gal ah oo lala beegsaday Ciidamo ku socdaalayay qeybo kamid ah Mandiqaddaaas.

“Allaah fadligii waxaa waxaa walaalihiinq Mujaahidiinta ah usuura gashay iney cadawga ceyrsadaan, islamarkaana ku xasuuqaan dhowr goobood oo dhaca Mandiqadda Seykso ee dhacda Koonfurta dalka Maali” ayaa lagu yiri bayaanka kooban oo ay baahisay Mu’assasada AzZallaaqah ee ku hadasha afka jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin.

Weerarkii ugu horreeyay waxay ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen xiro ay ciidamada xukuumadda Maali ku lahaayeen tuulada Peka, waxaana daqiiqado yar oo uu dagaal socday kadib halkaas ku kala cararay ciidankii dowladda ee fariisinka ku lahaa tuulada la wareegay.

Mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa usuuragashay inay gabi ahaanba la wareegaan tuuladaas, iyagoona xerada ay  weerareen kasoo qaatay mootoiyin ay halkaas uga careereen askartii la weerary, iyo agabyo kale oo ciidan.

Sidoo kale waxay Mujaahidiinta weerar kamiin ah la beegsadeen kolonyo katirsan ciidanka xukuumadda Maali oo ku socdaalayay qeybo kamid ah isla Mandiqaddaan, waxaana weerarkaan uu dhaliyay khasaare kala duwan.

Kolonyada ku dhacday kamiinkaan ku socdaalysay wadada isku xirta tuulooyinka Benna iyo Tomiya, waxayna Mujaahidiintu qarax ku bur buriyeen mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada xukuumadda Maali, iyadoona askartii saarneed ay uqeyb sameen wax dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Weeraradaan oo ahaa kuwa xiriir ah ayaa waxaa goobihii ay ka dheceen kamid ah tuulada Nyagaso, waxayna ciidamada Mujaahidiinta weerar ku kadiyeen askar katirsan boliska xukuumadda Bomako oo fariisin ku lahaa halkaas.

Durbadiiba waxaa goobta isaga yaacay ciidamadii boliska, waxayna Mujaahidiintu jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin weerarkaan kusoo furteen hub nuucyadiisa kala duwan iyo gaadiid xirada yiilay.

3 Mooto oo xerada utiilay ciidamada la wareeray ayay Soo ka xeysteen Mujaahidiinta, waxaana intaa dheer oo ay gacanta ku dhigeen ku dhigeen hub ay kamid yihiin qorayaha AK-47-ka iyo batsoolado ay ka carareen ciidamada boliska.

“Qalabyo kale oo mellatari ayaa kusoo furanay weerarkaan, waxaana sidoo kale dab la qabad siiyay gaari ay lahaayeen ciidanka cadowga, Mujaahidiinta ayaana dib ugu laabtay goobihii ay Kasoo duullaan tageen iyagoo saalimiin ah, waxna soo qaniimeystay, ayaa lagu yiri bayaan ay baahisay Mu’assasada AzZallaaqah.

Howlgaladdaan ayaa kusoo aadaya iyadoo weeraro hor leh oo ka dhacay gudaha dalka Maali ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Ku dhawaad 10 askari oo katirsan ciidanka xukuumadda Maali.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska booliska ee xukuumadda Bomako 5 askari oo katirsan ciidanka booliska ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay halka 3 kalena lagu la’yahay weerar dhabb-gal ah oo lala eegtay kolonyo ciidan oo ku socdaalaysay tuulada Sona oo u dhow xudduudda wadanka Burkina Faso.

Sidoo  4 askari oo katirsana ciidanka militariga Maali ayaa ku nafwaayay tiro intaas kabadana waa ay ku dhaawacmeen weerar xooggan oo ay rag hubeysan la beegsadeen fariisin ciidanka Maali ay ku leeyihiin deegaan hoostaga gobolka Gao ee dhaca waqooyiga dalka Maali sida lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay talika ciidanka militariga dalkaas.

Maalmihii lasoo dhaafay Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa qaaday silsilado howlgallo ah oo ka kala dhacay qeybo badan oo kamid ah dalka Maali, waxaana weeraradaas ugu cuslaa mid lagu daah furay camaliyaad Nafhurnimo ah oo lagu qaaday Saldhig kaabiga ku haya Madaxtooyada looga arrimiy dalka Maali.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Weeraro Cusub Oo Fulisay Nusratul Islaam Wal Muslimiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.