Qaraxyo Khasaare Lagu Gaarsiiyay Askarta DF Oo Ka Dhacay Sh/Hoose Iyo Baay.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay laba qarax oo maanta lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa DF oo ku kala sugnaa gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Qaraxa 1-aad oo maanta ka dhacay degaanka Bariire ee gobalka Sh/Hoose ayaa lala eegtay askar katirsan ciidanka DF oo watay mooto, waxaana inta la xaqiijiyay lagu dilay laba askari halka mid kalena lagu dhaawacay.

Qaraxa 2-aad oo asna maanta ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxaa dhaawacyo garaab ah ku noqday 3 askari oo katirsan ciidanka maamulka Koonfur-Galbeed.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxyada loo adeegsaday ee lagu naafeeyay askarta dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.