Sarkaal Lagu Dilay Muqdisho Iyo Qaraxyo Ka Dhacay Banaadir Iyo Sh-Hoose.

Warar ka imaanaya gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in caawa howlgal gaar ah oo lagu beegsaday sarkaal katirsan ciidanka military-ga DF uu ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Sida ay wararku tilmaamayaan rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogasho ku khaarijiyay Gaanshaanle Dhexe Xasan Faarax Jiicle oo loo yaqaanay (Sagaar Ari) oo ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Guutada qaraxyada Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta laba qarax khasaare sababay ka fulisay qeybo kamid ah gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose.

Qaraxa koowaad oo ka dhacay deegasnka Tabeelaha Sh. Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala beegsaday askar katirsan ciidanka DF oo lugeeynayay, waxaana ku dhaawacmay 1 askari.

Sidoo kale qarax labaad oo uu ku dhaawacmay 1 askar ayaa isna ka dhacay degmada Janaalle ee gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.