Sh/Fu’aad Oo Kalmad Jeediyay Kana Hadlay Beentii Ay Faafiyeen Dowladda Itoobiya & Maamulka Jigjiga [Dhageyso].

Sh. Fu’aad ayaa ku goodiyay in ay weeraro hor leh ku beegsan doonaan maleeshiyada Liyuu Police kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwa ugu liita maleeshiyaatka Soomaalida diin ahaan iyo dhaqan ahaanba iyaguna ay joogteyn doonaan beegsiga maleeshiyadaasi.
Wuxuu sheegay in maleeshiyadaas aysan weligood guul arki doonin maadama ay dhawaan ku joogjoogsadeen magaca Allaah iyo kalmadda towxiidka, wuxuuna sheegay in ay ku dambeyn doonaan darxumadii uu ku dambeeyey ninkii aas aasay oo uu kala jeedo Cabdi ileey.