Soomaaliya Oo Kaalmaha Hore Ka Gashay Dalalka Ay Caruurta Badan U Dhashaan Sannad Kasta.

Warbixin ay dhawaan baahiyeen Hayadaha World Population Review iyo Macro Trends ayaa lagu faah-faaiyay arimo la xiriira dhalmada caruurta ee adduunka kusoo kordheysa.

Tirakoobka oo ah mid si qiyaas ahaan loo sameeyay ayaa lagu taxliiliyay dhamaan wadamada caalamka iyo caruurta sanadkasta dalalkaas u dhasha.

Hayaduhu wexey sheegeen in Soomaaliya ay kaalin fiican ka gashay wadamada ay dhalaankooda badan yihiin, taasoo ka dhigan in Somaliya ay ka korriimo badan tahay wadamo aad u farabadan.

Kaalinta labaad ayay gashay Soomaaliya, waxanaa kaliya ka horreeya wadanka Neyjar oo dhaca galbeedka Afrika.
Waxaa xusid mudan in wadamada galay 10-ka kaalin ee ugu horeysa ay dhacaan qaarada Afrika.

Soomaalida ayaa mudooyinkii dambe waxaa ku badanayay guurka, in kasto ay jiraan reero bur buray, hadane waxaa la oran karaa guurkaas ayaa kaalin mug leh ka qaatay in dalal badan aan kaga horreyna dhanka dhalashada caruurta.

Kenya iyo Itoobiya oo daris la ah Soomaaliya, cadaawad soo jireen ahne ay kala dhexeyso shucuubtooda ayaa kamid ah dadalaka ay Somaliya kaga hormartay dhanka dhalmada caruurta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.