Weerarka ka socda hotelka Xayaat oo galay saacaddiisii 5-aad.

Waxaa saacaddii 5-aad galay weerarkii qorsheysnaa ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaaday hotelka Xayaat ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada DF ay mar kale soo qaadeen xamlo ay ku doonayaan iney gudaha ugu galaan hotelka, kaas oo ah isku daygii ugu dambeeyay.

Ragga Inqimaasiyiinta ah oo la hadlay idaacadda islaamiga ah ee Al-Andalus oo ku hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay sheegayaan in askarta DF ay si indho la’aan ah rasaas u furayaan.

“Wali aad ayay u cabsanayaan oo nooma soo dhawaan, bannaanka hotelka ayay rasaas kasoo ridayaan” ayuu yiri mid kamid ah dagaalyahannada Mujaahidiinta oo u warramay idaacadda islaamiga ah ee Al-Andalus.

Meydad fara badan ayaa gudaha hotelka daadsan, illaa iyo haddana ma jiro tirakoob rasmi ah oo ku aaddan khasaaraha weerarka maadaama uu wali socdo.

Wixii kusoo kordha waan soo gudbin doonnaa insha’allaah.

You might also like
1 Comment
  1. Hamza says

    Guul guul gesiyasha islaamka waa idin jacelahy waa. Idin hiise walhi wawalkina idin jacel kunol m.baraawe

Reply To Hamza
Cancel Reply

Your email address will not be published.