15 Ka Tirsan Ciidamada DF oo Maanta Mar Kale Lagu Dilay Galgaduud.

Dagaal culus oo maanta ka dhacay degaan hoos taga magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamada DF ee ay shisheeyuhu tababareen.

Ciidamada wilaayada islaamiga ah ee Mudug ayaa dagaalka kula wareegay tuulada Sinadhaqo oo ay maalmo ka hor qabsadeen ciidamo huwan ah kadib markii ay dagaal culus ku ekeeyeen.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa cagta mariyeen saldhiggii ay ku sugnaayeen ciidamada DF iyo kuwa Galmudug, waxaana ay halkaasi ku dileen ugu yaraan 15 askari.

Sidoo lale waxaa looga dhaawacay 20 askari oo kale, waxaana meydadka iyo dhaawacyada loo daabulay magaalada Dhuusomareeb sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo degaanka ah oo magacooda u qariyay sababo ammaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.