20 Askari oo DF Iyo Malleyshiyo La Socotay Loog Dilay Moqokori.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka dhacay duleedka degaanka kaasoo dhex maray ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo askarta ashaamudka ah ee ay hor kacayaan DF ciidankeeda.
Dagaalka oo saacado ka hor ka billowday duleedka degaanka ayaa waxaa khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidanka dowladda iyo malleyshiyadii la socotay. Dagaalka ugu xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Qooxle ee duleedka degmada Moqakori.
Ciidamada wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayaa waxaa u suura gashay iney gacanta sare ee dagaalka yeeshaan, waxaana ay dhinacii kasoo hor jeeday ka dileen 20 askari oo isugu jira ciidamada maamulka Hirshabelle iyo maleeshiyaadka loo yaqaanno Macaawisleyda ee Bangaraaftu ay dhowaan geeyeen Moqakori.
Saraakiil sarsare oo katirsan maleeshiyaadka huwanta ah ayaa ku dhintay dagaalkii maanta waxaana kamid ah nin dagaal geliye ah oo lagu magacaabi jiray Cilmi Hagar Guure. Ninkan ayaa shalay ku hanjabayay inuu soo afjarayo Al-Shabaab.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhaawacu uu kor u dhaafayo 20. Cali Balcad oo ah wasiirudowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee DF oo saacadihii lasoo dhaafay wareysi siiyay idaacadda codka Mareykanka ayaa sheegay iney wajahayaan culeys ku aadan maareynta dhaawacyada. (Ambien)