21 Sano Oo Kasoo Wareegatay Weeraradii11-ka Septembar Ee Gilgilay Mareykanka.(Warbixin)

Subaxnimo Talaada ah taariikhduna ay ku beegneed 11 September 2001-da waxay eheed maalin madow oo murug iyo tiiraanyo ku beertay dowladda Mareykaka iyo guud ahaan dadka udhashay dalkaas, xiliigaas oo ay dheceen weerardii lagu qaaday magaalooyinka New York iyo Washington dalka Mareykanka.

Muddo 21 sano ah ayaa kasoo wareegatay weerardaaas oo ay fuiyeen 19 dgaalyahan oo katirsan mujaahidiinta Al-Qaacida, waxaana lagu bur buriyay daarihii mataanaha ahaa ee magaalada New York, iyadoona dadka ku dhintay ay dowladda Mareykanka sheegtay inay ahaayeen 3,000 oo ruux, hasa yeeshee ayay dadku qaar sheegayaan inay dhimashadu ka badan tahay tirada ay sheegtay dowladda Mareykanka.

Wixii ka dambeeyay howlagaladaas wuxuu caalamku galay marxalad cusub oo dagaal ah, iyadoona madaxweynihii Mareykanka xiligaas ee Buush uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah islaamka iyo muslimiinta, waxaana xulafadii NATO ay duullaan ballaaran oo loogu magac daray “dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada” ku qaadeen waddanka Afgaanistaan.

Mareykanka ayaa hadda u baroor diiqaya dadkii uga le’day weeraradii 11-ka Septembar, waxayna kusoo aaday iyadoo ay ku jabeen duullaankii millatari ay ku qaadeen waddanka Afgaanistaan, halkaas oo ay uga khasaartay in ka badan 2,tirilyon oo doollar, marka lagu daro kumannaanka askari ee dhimashada iyo dhaawaca kaga noqday duullaankaas gar darrada ah.

Weeradaan oo diyaarado loo adeegsaday islamarkaana lagu dhiftay daarihii mataanaha ee ee Mareykanka ayaa waxaa masuul ka ahaa sheekh Usaama Bin Laadin oo xilligaas ahaa hogaamiyihii Mujaahidiinta Al-Qaacida.

Mareykanka ayaa xilligii uu ku duulayay waddanka Afgaanistaan ujeedkiisu eheed inuu a taqalluso mujaahidinta ku sugan dalkaas, hasa yeeshee 21,sano kadib isagoo xusuusanaya xasuuqii ka dhacay gudaha dalkiisa, jab xooggana dhabarka loo saariyay uu isaga baxay waddanka Afgaanistaan, waxayna dadka u dhuun daloola arrimaha caalamka islaamka ay sheegayaan, in Mujaahidiintu ay maanta ka xoog badan yihiin waqtigaas, dhimbisha halgankana ay ku kala firirtay daafaha caalamka.

Afgaanistaan ayaa hadda ka xurowday duullaankii 21,sano ka hor ay kusoo qaadeen Mareykanka iyo xulafadiisa,  iyadoona hadda ay reer Afgaan ay ku naaloonayaan xurmino lagu helay ku dhaqanka shareecada islaamka, dalkaasna ay ka jirto dowlad awood leh oo uu dustuurkeedu yahay kitaabka alle.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin-21-Sano-Kaidb-Duullaanadii-11-ka-Septembar

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.