Abuu Muscab ” Duullaan Kuma Nihin Reer Gaar Ah, Qofkii Cadawga Soo Raaca Isaguu Ku Xukum Yahay” Dhageyso.
Afhayeenka ciidanka Xarakada Al-Shabaab, Sh/Cabdi Casiis Abuu Muscab oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaallo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud kuwaasoo dhex maray ciidankooda iyo maleeshiyo ay degaanada qaar ka abaabushay DF iyo ciidamada shisheeye.
Abuu Muscab ayaa sheegay in shisheeyuhu uu had iyo goos isku dayo farsamo iyo dhagar kasta oo gurracan si uu u hagar daamiyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka, waxaana hagar daamooyinkaasi kamid ah sida uu sheegay afhayeenku, abaabulka iyo hubaynta maleeshiyaad beeleedyo uu u adeegsado la dagaalanka shareecada, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay farsmo duug ah oo uu shisheeyuhu boqolaal jeer soo tijaabiyay kuna soo hungoobay.
” Annagu hadii aan nahay ciidanka Xarakat Asha-Shabaab Al Mujaahidiin, waxaan har iyo habeen u taaganahay, kulaylka iyo dhaxanta ugu dulqaadanaynaa, dagaalka cadawga iyo rasaastiisa ugu heellanahay, waa inaan Ilaahay diintiisa ku difaacno. Waa inaan dhulka Muslimiinta ee ay gaaladu gumaysato ka xoreyno, waa in Shareecada Islaamka dalka iyo dadka lagu dhaqo, waa in Kalimadda Ilaahay ay kor ahaato, kalimada Gaaladuna hoos ahaato” Ayuu yiri Abu Muscab.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri: “Waxaan dhamaan qabaa’ilka Soomaaliyeed u sheegeynaa, anagu duullaan kuma nihin reer gaar ah iyo deegaan gaar ah. Raggaas waxaan nahay dhiigooda u huraya sidii aan Gaaladaas dalka uga saari lahayn, Shareecaduna u talin lahayd. Reer walba, jufa walba iyo qoys walba oo go’aansada inuu cadawgaas safkiisa biiriyo, hubkana u qaato inuu la dagaalamo Mujaahidiinta, garabna u noqdo gaaladaas dalka iyo diinka ku soo duushay, xukunka Ilaahay ee Kitaabka ku qorani waa cadyahay.
قال تعالى (ا أيها الذين آمنوا لا تتخذوا اليهود والنصارى أولياء بعضهم أولياء بعض ومن يتولَّهم منكم فإنه منهم إن الله لا يهدى القوم الظالمين)
Wuu sii hadlay oo waxaa uu yiri ” Qof walba oo cadawgaas soo raaca isaguu noola mid yahay. Magaciisu muhiim nooma aha, ama macawiisleey haloo bixiyo ama shaatileey haloo baxsho. Qofkii Gaaladaas iyo maamulladaas ridada ah soo raaca iyaguu ku xukun yahay.
Waxaan ognahay reeraha uu cadawgu u bandhigay qorshahaas, waxaan ognahay kuwa iska diiday, waxaan ognahay ku qaatay mashruucaas shareecada la dirirka ah, waxaan ognahay meesha qorshayaashaas lagu abaabulayo, waxaan ognahay siyaasiyiinta ridada ah ee abaabulaysa, waxaan ognahay odayaasha ku lugta leh, waxaan ognahay kuwa dhaqaalaha ku bixinaya. Waxaan leenahay ka jooga oo ka tawbad keena. Ha noqonine xaabo ay gaaladu ku shido colaada ay ka hurinayso dalkaan Soomaaliyeed ee Muslimka ah”. ayuu yiri Sh/Abuu Muscab isagoo aad uga digay la safashada shisheeyaha.
Halkan Ka Degso Shirka Jaraa’id Ee Sh/Abu Muscab 7 Safar 1444H