ATMIS oo Warsaxaafadeed Ku Sheegtay Iney Qeyb Ka Tahay Dagaalada Hiiraan Iyo Galgaduud.

Taliska ciidamada shisheeye ee la baxay Atmis ayaa ka hadlay dagaalada ka socda qeybo kamid ah Hiiraan iyo Galgaduud kuwaasoo ay isku bahaysanayaan dhinacyo kala duwan.

Warsaxaafadeed ay kasoo saareen xerada Xalane ayaa waxay ku sheegeen iney qeyb ka yihiin ciidamadoodu dagaaladii ka dhacay Booco, Abooreey, Yasooman iyo deegaanka Sinadhaqo oo ka kala tirsan labada gobol.

Waxay shaaca ka qaadeen in ay diyaarado geeyeen goobaha dagaalka, waana markii ugu horreysay oo ay si raasmi ah uga hadlaan dagaalada.

Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay duqeymo dhowr ah oo uu ka geystay gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, halka Xassan Sheekh uu shirkii Qaramada Midoobay ka boorriyay duullaanadan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhawaan shaacisay in duullaan saliibi ah lagu soo qaaday wadanka si loola dagaalamo ku dhaqanka shareecada islaamka isagoona digniin u diray dhinacyada ku lugta leh.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.