Camaliyad Nafhurnimo Ah Oo Ay Ku Hoobteed Ciidamo Katirsan DF Oo Ka Dhacday Magaalada Muqdisho.
Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan uu ka dhacay gudaha xarunta tababarka ciidamada ee Xera Nac-Nac, halkaas oo ay ka socotay qorista xubna cusub oo ka tirsan ciidamada loo yaqaano Danab.
Qaraxa oo uu fuliyay qof naftiis-hure ah ayaa ka dhacay gudaha xerada waxaana halkaas ka dhashay khasaare xooggan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 32 kamid ah raggii loo qorayay ciidanimada, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40 kale.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee Nac-Nac sida ay baahisay Idaacadda Andalus.
War kasoo baxay taliska ciidamada Al-Shabaab uuna ku saxiixnaa afhayeenka dhanka ciidamada Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa lagu sheegay in camaliyad Istish-haadi ah lala beegsaday gudaha xerada, isla markaana khasaare lixaad leh loogu gaystay ciidamadii cusbaa ee halkaas lagu qorayay.
“Waxay xerada ku qorayeen maleeshiyaat cusub oo kamid noqda ashahaado la dirirka dalka ka hawlgala. Dharbaaxo hordhac ah ayay Mujaahidiintu ku dhufteen maleeshiyadaas, khasaare xooggan ayaa soo gaaray cadawga” Sidaas waxaa yiri Sheekh Abu Muscab.
“Wax badan baan uga dignay mujrimiintaas inay faraha kala baxaan mashruuca ashahaado la dirirnimada ah ee looga soo horjeedo ku dhaqanka Shareecada Islaamka, balse dhegaha ayay ka furaysteen. Maanta ayay hayaan mirihii ka dhashay falalkooda gyracan” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dhimashada iyo dhaawaca ayaa iskugu jira ciidamadii la qorayay, tababarayaal ciidan iyo askartii ku sugnayd xerada intaba.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale ah ula beegsatay isla xeradaan ku taalla degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, taas oo lagu qoro, lagu diyaariyo laguna tababaro ciidamada kala duwan ee DF, kuwaas oo kadibna qayb ka noqda ciidamada la dagaalama Mujaahidiinta.
Dhinaca kale illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin DF-ka oo ku saabsan qaraxa saaka ka dhacay Warshaddii hore ee Nac Naca Muqdisho.