DAAWO VIDEO: Cali Wajiis oo Sheegay In Gaaladu Ku Taliyeen In Al-Shabaab Mooryaan Lagu Kiciyo.

Cali Maxamuud Xassan oo loo yaqaano (Sh/Cali Wajiiz) ayaa shaaca ka qaaday halka uu ka yimid fakarka iyo abaabulka uu waayahan wado Xassan Sheekh kuna aadan sameynta mooryaan beeleedyo oo loo bixiyay Macawiisley.

Inkastoo qabaa’il badan ay iska diideen qorshahaas islamarkaana sheegeen in waxa loo yaqaano macawiisleydu yihiin fakar dad kale leeyahay, ayuu Cali Wajiis sheegay in gaalada caalamku ogaadeen in aan Mujaahdiiinta dagaal milatari looga adkaan karin, xilli ay shirkaasi kala qeyb galayeen dowladaha maqaar saarka ah ka jira dalalka islaamka ee lagu duulay.

Isagoo soo xiganaya ra’iisulwasaarihii hore Xassan Cali Kheyrre ayuu sheegay in gaaladu ku taliyeen in mujaahidiinta lagu abaabulo mooryaan beeleedyo isagoo muujiyay in arrintaasina ay dowr ku leeyihiin wadaadaha uu isagu kamid yahay.

Sidoo kale wuxuu qaab duur xul ah ku weeraray wadaadada aan ku fakarka ahayn ATMIS iyo DF balse ku hoos nool maamulkooda, wuxuuna sheegay in qisooyin hadda ka hor dhacay lagu go’aamiyay in la laayo wadaadkii dagaalka ka qeyb gali waaya.

Cali Wajiis oo ahaa la taliyihii Farmaajo ayaa ayaa aad u qiireysnaa waxaana uu ka qeyb galayay shir ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin ka tirsan DF oo hab qabiil u shirayay si ay warbaahinta uga muujiyaan iney kasoo hor jeedaan Mujaahidiinta.

Hadalka kasoo baxay mid lamid ah ayaa waxaa horey u shaaciyay Sheekh Axmad Bile oo kamid ah wadaadada Ictisaam, kaasoo xil wasaaradeed kasoo qabtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sh/Axmad, waxaana la xasuustaa inuu sheegay in ay Ingiriiska kula kulmeen sarkaal qaabilsan “la dagaalanka argagixisada” una sheegay inaan mujaahidiinta laga adkaan karib culimadana looga baahan yahay iney fadhiga ka kacaan oo ay la dagaalamaan.

Xarakada Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirta ciidamada shisheeye ee kusoo duulay wadanka waana xogag aan sida DF u dhisnayn “4.5” ee waxaa ku jira qeyb walba oo bulshada kamid ah, waxaana ay sheegeen in hadafkoodu yahay iney la jihaadaan shisheeyaha, ciddii soo raacdana tahay “riddo) lana dagaalamayaan.

Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool gudaha wadanka intooda badan waa ay ku baraarugsan yihiin kaarka qabiil ee ay DF xoqaneyso iyadoo qaadaneysa talada reer Yurub ee uu Cali Wajiis Sheegay, taasoo ay in Mujaahidiinta lagu abaabulo mooryaan beeleedyo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA CALI WAJIIZ

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.