Dagaalka Ukraine Oo isbedel Lugaha la galay. (Dhagayso Warbixin)
Dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dalka Ukraine ayaa dhaliyay in dharbaaxo kulul la gaarsiiyo ciidamada dalka Ruushka ee duulaanka ku joogay halkaas, iyadoo ciidamada Ukraine ay gacanta kusoo dhigeen magaalooyin waaweyn.
Madaxweynaha dalka Ukraine Zalansky ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha Internetka wuxuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guulaha ay gaareen ciidankiisa, isagoona intaa ku darey iney dib ula wareegeen masaafo dhan 6000 oo km oo afar geesood ah, kana mid ah magaalooyinkii iyo deegaannadii ay horey ula wareegeen ciidamada Ruushka.
Madaxweynaha Ukraine oo maalin weliba la hadla shacabkiisa, fariimo muuqaal ahna soo dhiga baraha Internetka tan iyo markii uu dagaalku billowday ayaa sheegay in guulaha ay ciidamadiisu gaareen ay kaalin libaax leh ka qaateen saddex guuto oo katirsan ciidamada dalka, kuwaasoo magacyadooda uu xusey.
“ Waxaan sii wadi doonnaa horusocodka iyo taqadumka” ayuu yiri madaxweynaha Ukraine Zalansky isagoo sheegay in ciidamada Ruushka uu gaarey jab qaraar, sida muuqatana ay waayeen isku xirnaanta dhexdooda ah taasoo fududeysay in lagu jebiyo dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay wadanak Ukraine.
Halkan ka dhagayso Isbedel ku yimid dagaalka Ruushka ee Ukraine