DEG-DEG: Toogasho Khasaare Sababtay Oo Lala Eegtay Dad Yahuud Ah. (Sawirro)
Ugu yaraan 5 Ruux oo Yahuud ah ayaa lagu dhaawacay toogasho goor dhow ka dhacday halka loo yaqaano Waadiga-Urdun ee ku yaalla xadka wadanka Udrun, sida ay tabisay warbaahinta Yahuudda.
Weerarka toogashada ah ayaa waxaa lala beegsaday gaari bas ah oo siday dadka Yahuudda ah ee xooga lagu dejiyay dhulka Muslimka ah ee Falastiin.
Maamulka Yahuudda ayaa sheegay in ragga fuliyay howgalkan oo watay gaari ay halkaas isaga baxsadeen kadib markii ay rasaas huwiyeen gaariga baska ah waxaana halkaas ku dhaawacmay 5 qof oo 2 kamid ah ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.
Khasaaraha ka dhashay toogashadaan ayaa ah mid daqiiqadba ka daqiiqadda ka danbeysa isi soo taraya.