SAWIRRO+BAYAAN: AL-SHABAAB OO KA HADLI DOONA MAWQIFKOODA KU AADAN ISBADALLADA DALKA UU MARAYO. (BAYAAN)

Xafiiska warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goor dhow soo saaray bayaan horudhac u ah kalimad xasaasi ah oo ka hadleysa xaaladda wadanku marayo taas oo uu jeediyay mid kamid ah mas’uuliyiinta Xarakada Al-Shabaab.

Bayaanka ayaa waxaa lagu billaabay “Xafiiska warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu ku wargelinayaa ummada muslimka ah ee Soomaliyeed in dhawaan Mu’assasada Al-Kataib baahin doonto khudbad ka hadleysa xaaladda uu dalku marayo, abaaraha ka taagan, isbadallada siyaasiga ah, kuwa militeri, marxalada uu cadowgu marayo, iyo howlgalka cusub ee loogu yeero ATMIS”.

Khudbada lagu ballan qaaday bayaanka ayaa ah maqal iyo muuqaal taasoo laga jeediyey xaflad qalin jebin ah oo loo qabtay ciidan cusub oo uu dhawaan tababar ugu soo dhamaaday xerada tababarka ciidamada ee Sayid Maxamed
Cabdullaahi Xasan “Kalimaddaas ayaa lagu cadeyn doonaa mawqifka rasmiga ah ee mujaahidiinta uga aadan dagaalka uu dhawaan ku baaqay bakhti u sujuudaha hogaanka u haya xukuumada riddada ee Villa Soomaaliya” sidaasi waxaa lagu yiri bayaanka.

Ugu dambeyntii, waxaa bayaanka lagu soo gabagabeeyay dhambaallo bogaadin ah oo ku socda ciidamada dhawaan tababarka loo soo gabagabeeyay, waxaana lagu yiri: “wuxuu Hoggaanka Sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab bogaadinayaa ciidanka cusub ee tababarka usoo dhamaaday, Wuxuuna Allaah uga rajeynayaa guul iyo inuu u xaqiijiyo niyadoodii wanaagsaneyd iyo hadafkii ay usoo baxeen ee ahaa koryeelida Kitaabka Allaah, ku dhaqanka shareecada Islaamka, Ilaalinta kheyraadka Umadda, samatabixinta bulshada muslimka ah, iyo la dagaalanka cadowga saliibiga ah iyo murtadiinta kabaqaadka u ah ee kusoo duulay diinta, dalka, iyo dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah”.

Bayaanka ayaa waxaa lasoo raaciyay sawirro laga soo qaaday xerada tababarka ee Sayid Muxamad Cabdulle Xassan, waxaa ka muuqanaya ciidamo fara badan oo uu qalabkooda iyo labiskoodu u dhammeystiran yahay kuwaasoo jir ahaan laga dheehan karo iney yihiin rag muddo dheer la diyaarinayay.

Caqiido ahaan waxay wadaan calanka uu dhaxda towxiidku kaga qoran yahay, mucaskarkan ayaa mucaskaraadkii hore kaga duwan iyadoo ay ciidamada ka dhex muuqdaan guutada nafhurayaasha, waxa ay sitaan boor uu ku qoran yahay “guutada istish-haadiyiinta”.

Sawirrada ayaa waxaa kale oo ka muuqanaya in si qurx badan loo diyaariyay tababarkan iyo khatinkiisaba waxaana ka muuqanaya mas’uuliyiin uu kamid yahay Sh/Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) iyo culimo, waxaana laga dhur sugayaa oo dadka oo dhami u dhag taagayaan kalimaddaasi waaqica ka hadleysa.

HALKAN KA AKHRISO BAYAANKA OO PDF AH

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.