Degdeg: Farxaan Qaroole Iyo Saraakiil Kale oo La Dilay.
War degdeg ah oo goor dhow kusoo dhacay warqabadka warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegaya inuu dhintay Farxaan Qaroole, taliyihii Boliska gobolka Banaadir kadib markii isaga iyo saraakiil la socotay qarax lala beegsaday.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, Farxaan ayaana hogaaminayay ciidamo kasoo baxay Balcad oo duullaan ku ahaa Basro.
Taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadlay hawlgalkan: “Hawgal si wanaagsan loo qorsheeyay ayay ciidamadeenu maanta ka fuliyeen degmada Balcad. Ujeedada hawgalku wuxuu ahaa in lagu khaajiriyo mid kamid ah saraakiisha ugu cadawsan kooxda ridada ah. Xog dhamaystiran baan ka haynay dhaqdhaqaaqiisa iyo waxa uu damacsanyahay. Sidii loo qorsheeyay ayuuna hawgalku u dhacay” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
“Waxaa hawlgalka lagu dilay sarkaalkii hadafkeenu ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Farxaan Qaroole, 4 sarkaal kale oo la socotay iyo askari u qaabilsanaa qaadista sawirada iyo duubiska muuqaallada. Dhimashada guud ee goobta ka dhacday waa Lixdaas qofood” Dhaawucuna waa 13 kale, ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.
Meydadka Janaraal Farxaan Qaroole iyo saraakiishii la socotay ayaa goobta laga qaaday waxaana uu argagagax soo wajahay kolonyadii duullaanka ahayd.
“Dhimashada Qaroole waxay cadaalad siinaysaa boqolaal dadweyne Muslimiin ah oo uu si xaq-darro ah u dhibaateeyay, dhulkoodii uu xoog uga qaatay, ama hantidoodii uga dhacay isagoo adeegsanahay awooda ciidan ee uu ku lahaa Muqdisho. Allaah ayaan marka hore u mahad celinaynaa, kadibna raggii Mujaahidiinta ahaa ee hawgalkaas fuliyay iyo cid walba oo gacan ka gaysatay khaajirinta murtadkaas. Kuwa kale ee isaga lamidka ahna Ilaahay idamkiis gacanta dheer ee Mujaahidiintu mar ay noqotaba waa ay gaari doontaa” ayaa lagu soo gabagabeeyay war saxaafafeedka taliska ciidamada Al-Shabaab.
Farxaan qaroole ayaa ahaa nin caan ku ahaa ashahaado la dirirnimada sida ay dhowr jeer ku eedeeyeen qaar kamid ah bulshada magaalada Muqdisho, waxa kale oo uu ahaa nin ay madaxweynayaashu u adeegsadaan caburinta siyaasiyiinta.
Xilligii Farmaajo Xassan Sheekh ayaa Farxaan ku yiri: “Farxaanoow dhiiqaa lugaha laguu galiyoowhaa” dilka Farxaan Qaroole ayaa argagax weyn ku ah DF, xalay ayayna ahayd markii uu Ra’iisulwasaare Xamse tacsi u taagnaa.
Allaahu akbar Allaahu akbar waa ilaah mahdii in cadowgaasi uu dhaafo ummada muslimiinta ah ee somalida .kuwa kale ee noolna Ilaahay waxaan rajaynayaa inuu ummada dhaafiyo.Mujaahidiinta na guul ayaan Ilaahay uga rajaynayaa
Waxii dhimana xaladhamestiro kuwa dadka dhibatenayo aniga hada kulahadhlayo askarta dowlada dhibaato bacan baa igarsiiyen wee ciidhaceen tuug nimo holehee awood baa igaqaateena lkn malin ayan ka argudidona allow dalka somalia odhan Gili gacanta mujaxidinta amin