DF oo Mar Kale Abiy Axmed Ka Codsatay Inuu Aqbalo La Kulanka Xassan Sheekh.
Wafdiga madaxweynaha DF ee Newyork u tagay shirka Qaramada Midoobay ayaa codsigii afaraad u gudbiyay dowladda Itoobiya kaasoo ku aadan in ay aqbasho soo nooleynta xiriirka labada dowladood.
Wasiirka arrimaha dibadda DF, Abshir Cumar Huruuse ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada midoobay kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibedda ahna Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Itoobiya, Demeke Mekonnen.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in kulankoodu uu socday muddo 20 daqiiqo ah islamarkaana Ra’iisulwasaare xigeenka Itoobiya loo dhiibay warqadda codsiga isagoo sheegay iney dib uga soo jawaabi doonaan.
Madaxweynaha DF ayaa dhawaan socdaal aan horey loo sii shaacin ku tagay dalka Itoobiya gaar ahaan markii uu Mareykanka u socday laakin goortii ay cagadhigatay diyaaraddii siday ayaa waxaa dhacday in Abiy Axmad uu u duulo dalka Jabuuti.
Itoobiya ayaa ka careysan sababta uu Xassan Sheekh xiriirka ula sameeyay dowladda Masar iyo in uu safarkiisii ugu horreeyay ku tagay wadankaasi. Tan iyo markii uu Xassan Sheekh safarka ku tagay Masar, waxay Itoobiya xarigga u jartay madaxtooyada Muqdisho iyadoo taa badalkeeda qaadada darsaneysa maamul goboleedyada.
Mas’uuliyiin ka tirsan DF ayaa haatan ku cataabaya in Xassan Sheekh uu galay khalad istaraatiiji ah markii uu Masar xiriir la yeeshay Itoobiyana uu sidaasi ku waayay. Qeybo kamid ah dalka Soomaaliya waxaa heysta ciidamada Itoobiya, waxaana suura gal ah haddii xaaladdu sidan sii ahaato iney Xassan Sheekh u diidaan inuu u safro degaanada iyo degmooyinka ay heystaan.