Dhageyso: Al-Qaacida Oo Soo Bandhigtay Taariikh Nololeedka Sheykh Abuu Muscab C/Waduud, Amiirkii Hore Ee Mujaahidiinta Maqribul Islaam.(Warbixin)

Hadiyadda cadadka todobaad ee majallada Umatun Waaxida, waxay ahayd hadiyad qaali ah oo looga sheekeeyay taariikhda hogaamiye Jihaadi ah oo waqtigiisa ugu badan ku qaaty saaxaadka Jihaadka, si gaar ah galbeedka caalamka islaamka, kaasoo ah hogaamiey sheikh Abuu Muscab Cabdul Waduud Raximahullaah.

Maqaalkan uu lahaa qoraa lagu magacaabo Abii Cumar An-Naaji, ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu soo bandhigayaa muraasaalaad iyo farriimo ay is weydaarsadeen sheikh Usaama bin Laadin hogaamiyihii hore ee mujaahidiinta Al-Qaacida iyo sheikh Abii Muscab Cabdil Waduud amiirkii hore ee mujaahidiinta Al-Qaacida ee Maqribul Islaami.

“ Waxaanu maanta ka hadli doonnaa shakhsiyad sanado kamid ah cumrigeeda ku bixisay sidii dhulka loo makanin lahaa shareecada Islaamka, iyo sidoo kale in loo hiiliyo oo la garab istaaga qadiyadaha muslimiinta bari illaa galbeed” ayuu leeyahay qoraaga maqaalkan oo waota sawirro kala duwan oo laga qaaday sheikh Abii Muscab Cabdil Waduud raximahullaah.

Wuxuu tilmaamayaa Abii Cumar An-Naaji in sheikh Abii Muscab uu hadalkisa iyo ficilkiisaba kaga gudbay xuduud beenaadyada la dhex dhigay muslimiinta, si awoodooda loo kala dhantaalo, masiiradiisa jihaadka ayuuna kassoo billaabay isagoo dhalinyaro ah buuraleyda Aljeeriya, halkaas oo uu ugu soo dul qaatay hiil yarida iyo duruufaha nolosha oo aad u adag.

Halkaan ka Dhageyso Warbixin Taariikhda Sheekh Abii Muscab Cabdul Waduud- Umatun WAAXIDA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.