ERGEY, ERGEY OO MISANA ERGEY!! WAA MAQAAL KA WARRAMAYA SIYAASADDA XASSAN SHEEKH. QORE DR. SULDAAN GARYARE.
Waxaad moodaa in siyaasiin ku sheegga Soomaalidu ay u eg yihiin ma gudbayaal xataa haddii ay dhowr jeer soo fariisteen hoggaanka ayna wax soo maamuleen.
Taas waxa idinkaga filan Xasan Sheekh oo markii labaad ku fariistay kursiga Villa Somalia.
Xilligii hore Xasan Sheekh waxqabadkiisu waxa ugu badnaa in uu qalin iyo warqad is dulsaaro oo uu soo qoro farriin cambaareyn iyo calaacal ah marka dhinaca ka soo horjeeda (Al-shabaab) ay fal ka geystaan meelaha uu rumaysan yahay in uu ka arrimiyo.
Xilligaa waxa aan u baxshay nidaamka Cambaareynta iyo Calaacalka. Duni waa meertee mar labaad ayuu hoggaanka ku soo laabtay, balse waxa muuqata in aan waxba uga kordhin muddadii hore ee uu hoggaanka hayey, waayo weli qalinkii iyo warqaddii buu dabada hayaa , waxa uuna markaan cambaareyntii iyo calaacalkii u rogay eregey magacaabid, oo aan wax micno ah soo kordhinayn in nidaamkiisa ay sii kharribto mooyee.
Ergeyda qaarna waxa ayba isku dhaceen wasaaradihii hawshaa qaabbilsanaa. Nidaamka dunida hadda ka jira oo uu isagu ku dayanaya kuma shaqeeyo ergadaan badan oo uu magacaabay, aanna filayo in uu kuwo kale soo wado maalmo dhow. Haddaba dal iyo dad laguma xukumo ama wax looguma qabto niman shaqo la’aani hayso oo maamuus aan jirin lagu xuso ama loo magacaabo.