Faahfaahin: Dagaal Culus oo Maanta Ka Dhacay Degaanka Booco Ee Gobolka Hiiraan.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo maanta degaanka Booco ee gobolka Hiiraan ku dhex maray ciidamada Milatariga Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa DF.

Dagaalka oo dhowr jeer dhacay ayaa waxa uu yimid kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan jihaadiyiintu weerareen ciidamada DF oo ay gadaal kasoo bari taarayeen shisheeyaha.

Taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa war rasmi ah oo uu soo saaray duhurnimadan ku sheegay in dagaalka ay ku dileen 18 askari oo kuwii kasoo hor jeeday ah ayna ku dhaawaceen 20 kale.

Waxaa jira dhaawacyo badan oo ciidamada dowladda federaalka ku gaaray dagaalka, dadka ku dhaawacmay waxaa kamid ah saraakiil kuwaasoo ay ugu caansan yihiin taliyihii ciidamada Gorgor ee dhanka maamulka Hirshabelle iyo madaxii Miina Baarka ee ciidanka Danab ee Hirshabelle.

Dagaalka culus ee maanta ayaa yimid kadib markii ciidamada DF ay kasoo bexeen baxeen deegaanka Booco iyagoo durbadiiba la kulmay weeraro jid gal ah oo markii dambe isku badalay dagaal culus.

Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ay ka qeyb qaadanayaan dagaallada ka dhacay gobolka Hiiraan mana ku guuleysan iney ciidamada ay tababarteen ka badbaadiyaan dagaalamada Mujaahidiinta.

Sidoo kale waxaa maanta gobolka Hiiraan ka dhacay weerar qarax loo adeegsaday oo ay fuliyeen guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana lagu gubay gaari ay wateen ciidamada DF.

Qaraxan oo ka dhacay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, ciidamada DF ayaa ku rafaadsan dagaalada gobolka Hiiraan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.