Fiqi: “Dowladdu Qori Ma Bixiso Balse Waxay Qabaailka U Sheegtay In Ay La Dagaalamaan Al-Shabaab”.

Wasiirka arrimaha gudaha ee DF Axmad Macallin Fiqi ayaa meesha ka saaray war ay horey warbaahinnada uga sheegeen inta badan madaxda DF oo ahaa in ay hubeynayaan qabaa’il si ay uga hor geeyaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Isagoo meel madal ah ka hadlayay ayaa waxa uu xusay in aysan DF hub siin qabiil, horeyna u ballan qaadin iney hubeeneyso, balse ay ugu baaqday (siduu hadalka u dhigay) iney hubkooda kula dagaalamaan Mujaahidiinta.

Wuxuu si cad u beeniyay hadal iyo ficil hub qeybin ah oo ay DF ka sameysay degaano ay jufooyin daggan yihiin, waxaana siyaabo kala duwan loo falanqeynayaa waxa ku kallifay is badalka iyo beeninta.

Siyaasi xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, codsadayna inaan magaciisa la adeegsan sababo ammaan aawgood ayaa inoo sheegay in DF ay cadaadis kala kulantay qabaa’il badan kuwaasoo ku eedeeyay iney jufooyin gaar ah hubeysay, wixii mas’uuliyad ah ee ka yimaadana lagula xisaabtani doono.

Waxaa la is weydiin karayaa, sida ay ku dhici karto in DF ay u dagaalamaan jufooyin aaney hub iyo rasaas siineyn, laakin waxay arrintu u muuqataa in uu jiro musuqmaasuq lagu sameynayo hubka DF.

Mareykanka ayaa sannadkii 2001 ku dhawaaqay ol’olaha waxa loogu yeero “la dagaalanka argagixisada” kaasoo uu ku bixiyay malaayiin doolar isagoo aanu illaa maanta guul ka keenin, waxaana ay DF dooneysaa in qandaraaskaas isaga ah ay galiso jufooyin Soomaaliyeed.

In badan oo kamid ah qabaa’ilka Soomaalida ayaa aad uga digtoon shirqoollada DF iyo dagaalka dhanka warbaahinta ah ee la doonayo in bulshada lagu marin habaabiyo, dadka dagaalka ku dhawaaqayana ma ahan kuwa cusub ee waa kuwii markii horaba dagaalka ku jiray sida wasiirada, xildhibaanada, saraakiisha IWM.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.