Iiraan iyo Ruushka Oo ku dhawaaqay Nidaam Banki oo ka madax banaan Maraykanka.

 

Sanadihii lasoo dhaafay waxay madaxda wadamada Ruushka iyo Iiraan oo xulafo ah, kana soo horjeeda reer galbeedka ka wada hadlayeen sidii ay u yeelan lahaayeen nidaam banki oo ka madax banaan kuwa reer galbeedka, lacagahana la isugu gudbin karo, wadahadalladaas ayaana sii xoogeystay wixii ka dambeeyay dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, waxaana hadda muuqaneysa in natiijooyin wax ku ool ah marka labada dowladood loo eego ay gaareen.

Nidaamka Swift oo ah nidaamka ay isticmaalaan bankiyada reer galbeedka, si guudna adduunka ka caan baxay ayaa laga mamnuucay dowladda Ruushka iney adeegsato, taasoo culees ku noqotay in Ruushku lacago diro ama lacago looga soo diro dibadda, dhinacyada Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan ayaana bilihii uug dambeeyay waxay wadeen dadaallo ballaaran oo ay kaga xuroobayaan nidaamka maaliyadeed ee adduunka, kuna aas-aasayaan nidaam dhaqaale oo cusub.

Bi ka hor, waxaa dalka Iiraan booqasho rasmi ah ku tagay madaxweynaha Ruushka Faladamir Butin, kaasoo halkaas kula kulmey hogaamiyaha guud ee kacaanka Iiraan Cali Khumeyni, waxayna labada dhinac isla garteen in riyaalka Iiraan iyo Robelka Ruushka ay is weydaarsadaan marka ay wax kala gadanayaan, kana shaqeeyaan sidii loo heli lahaa nidaamyo horleh oo xaga bankiiyada ah.

Dowladda Iiraan waxay hadda ku dhawaaqaday in iyada iyo Ruushka ay wada gaareen howlgelinta nidaam banki oo loogu magacdaray Miir, kaasoo ay isticmaali doonaan dowlado dhowr ah, awoodna u leh in wax la isku dhaafsado, iyadoo looga maarmayo nidaamka Swift ee uu reer galbeedku gacanta ku hayo, Ruushkana horey looga mamnuucay.

Mahdi Safri oo ah ku xigeenka wasiirka arimaha dibadda ee Iiraan ee arimaha dhaqaalaha ayaa sheegay in maalmaha dhow ee soo wajahan ay ku dhawaaqi doonaan nidaamka Miir oo ay u adeegsan doonaan wax isku gudbinta bankiyada,  kaasoo u shaqeynaya qaabka uu u shaqeeyo nidaamka caalamiga ah ee Swift, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka Ruushka, wasiirka arimaha dibadda ee dalkaas Sergy Lafrof ayaa ku dhawaaqay todobaadkii lasoo dhaafay xilli uu barbar taagnaa wasiirka arimaha dibadda ee Iiraan Xuseen Amiir Cabdi-Lahyaan, in bankiyada Ruushka iyo kuwa Iiraan ay u socdaan wadahadallo qoto dheer oo la xiriira sidii la isugu dari lahaa nidaamyada Miir iyo Shatab oo ay kala leeyihiin Ruushka iyo Iiraan, loogana soo saari lahaa hal nidaam oo lagu qanacsanyahay, si fududna wax la isugu dhaafsan karo.

Dadka ka faalooda arimaha dhaqaalaha ayaa u arka tallaabada ay dowladaha Ruushka iyo Iiraan isugu xirayaan nidaamyadooda Miir iyo Shataab iney tahay mid looga maarmayo adeegsiga dollarka, laguna wajihi karo cunaqabateynnada reer galbeedka ee saaran Dhahraan iyo Moskow, dowladda Ruushka ayaana suuq geynta nidaamkeeda maaliyadeed ee Miir sii xoojisay wixii ka dambeeyay markii ay duulaanka ku qaaday dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.

Biimaan Yazdaani oo khabiir ka faallooda arimaha dhaqaalaha ayaa tilmaamaya in horaanba dowladaha Ruushka iyo Iiraan ay uga wada shaqeynayeen iney helaan nidaam sarrif banki oo aan ahayn kan Swift, si looga baxsado heymanada Maraykanka ee xaga ganacsiga iyo suuqyada caalamiga.

Yazdaani ayaa tilmaamay in Maraykanku uu nidaamyada dhaqaalaha u adeegsado aalad uu ku cadaadiyo dowladaha iyo jihooyinka ay iska soo horjeedaan, tallaabada ay hadda qaadeen Ruushka iyo Iiraanna ay muujineyso sida reer barigu u awoodaan iney iska caabiyaan halisyada jiritaankooda uga imaanaya dhanka reer galbeedka.

Halkan ka dhagayso Warbixin Nidaamka Bankiyada ee Miir

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.