Imisa Koox Ayaa Wada Mashruuca Malleyshiyo Hubeynta Maxaase Ka Dambeeya? (Maqaal)

Dagaalka Al-Shabaab iyo Ree Aala-Fircoon

وَفَعَلْتَ فَعْلَتَكَ الَّتِي فَعَلْتَ وَأَنتَ مِنَ الْكَافِرِينَ (الشعراء 19)

Aayaddani waxay noo warinaysaa mid ka mid ah eedaymihii uu Fircoonkii Ilaahnimada sheegtay u jeediyay Nabi Muuse CS ka dib u bandhigiddiisii dacwadii Ilaahay usoo dhiibay. Wuxuu Fircoon Nabiga dambi uga dhigayaa inuu dilay qof uu dilkiisu gardarro ahaa si xaqdarro ah ayadoo ujeedku yahay in uu calaamatu-su’aal saaro runnimada dacwada Nabigani xambaarsanaa iyo sheegashadiisa in loo waxyooday. Haseyeeshoe, Fircoon xilliga uu eedda noocan ah u jeedinayo Nabi Muuse, waxaa dhaqan iyo caado u ahayd in uu wiil kasta oo ree Banii-Israaiil u dhasha dilo gabdhahoodana addoonsado sida Qur’aanku uga warramayo. Wuxuu faraha kula jiray dil joogta ah oo uu u geysanayay saqiirro sida la qiyaasi karo kumannaan iyo boqolaal kunba gaari kara oo waxay galabsadeen aan la arag wuxuuse Nabiga ku eedeeyay dilka hal nin oo xilliga dilku dhacayo faraha kula jiray arrin dilkiisa sababtay. Wax kasta oo xumaan ah oo uu samaynayay oo ay ugu weynayd sheegashiisii Ilaahnimada, waxaa kala foolxumaaday halkaas ficil oo Nabigaas sida kama’da ah uga dhacay. Tirada caruurtii iyo dadkii uu layn jiray waxaa ka qarisay halka naf ee gacanta Nabigan sababsatay. Eed kasta oo ay naftiisu lahayd uuna kusii dheggenaa waxaa kala weynaaday hal ficil oo uu ninkii sameeyay Ilaahay uga toobad keenay lagana aqbalay toobaddiisii. Waa dhaqan ilaa hadda looga dhaqmo qusuurta ay Faraacinada casrigani ka taliso lagulana dhaqmo nin kasta oo qaata mawqif u eg ama ku abtirsada kii Nabi Muuse CS.

Eedaynta noocan ah ayaa xilligan ah shicaarka isbahaysi ka kooban LIX kooxood oo dagaal kula jira kooxda Alshabaab oo ah cidda xilligan wajahaysa ololeha ibliisaynta. Ayaga oo oo ku taagan raadkii aabbahood Fircoonkii Masaarida ayay Faraacinadani kooxda ALshabaab ku hayaan dagaal furintiisa ugu weyni ay tahay Facebook marmarsiiyehiisuna yahay in ay kooxdani dad iyo duunyo toona aysan Soomaalida waxba u reebin. Sida aan arki doono, xubnaha isbahaysigan Fircooniga ah ayuu mid kastaa goonidiisa ugu eedaysanyahay gabood fallo ka dhan ah Mujtamacan oo aysan xittaa qayb ka mid ah geysan kooxdani intii ay jirtay.

 

Kooxda kowaad: Maraykan

Labo asbuuc ka hor ayay safaaradda Maraykanka ee Xalane qoraal la xiriira dagaalka macawisleyda iyo Alshabaab kusoo qortay barteeda Twitterka. “Markii ay dadka reer Hiiraan kaceen ayna bilaabeen in ay degaannadoodii dib u xoraystaan ayay Alshabaab baxsad ahi gubayaan guryihii, ganacsiyadii iyo ceelashiiba. Shacabka Soomaaliyeed asagoo taageero ka helaya ciidamada degaannada iyo kuwa dawladda Federalka ayaa Soomaaliya ka xorayn doona burburka Alshabaabku ku hayaan iyo cunfiga xagjirka” ayaa lagu yiri qoraalkan. Waxa ay safaaradda Maraykanku Alshabaab ku eedaynaysaa burbur iyo qarbudaad ay kooxdu ka geysanayso Soomaaliya iyadoo isxijinaysa dhinaca shacab ay ku tilmaamayso xaq u dirir dhulkoodii xoraysanaya. Safaaraddan ayaase metesha ama ah mid ka mid ah laamaha dawladda dilalka iyo burburinta ugu badan ka geysatay dhulka Soomaalida 30kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxay kaliya 16 sano ka soo wareegtay markii ay dawladdan oo adeegsanaysa Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaalidu ay shacabka aan waxba galabsan madaxyadooda ka dhoofsanaysay garoomada Muqdisho iyo agagaarkeeda. Waxaa kale oo kaliya hal asbuuc laga joogay marka ay qoraalkan soo qoraysay safaaraddu dukheyntii ay ku dhinteen koox darewallo ah oo ku shir sanaa xarun gaadiidleydu isugu timaaddo oo ku taalla degaanka Mubaarak ee Shabeellada Hoose. Waxay bilooyin iyo sanooyin koobani kasoo wareegeen markii ay xafladaha aroosyada, madaarista carruurtu dhiganayso, iskuullada, iyo guryaha dadka caadiga ah ay diyaaradaha dawladdani ku dukheynayeen Afghanistan, Ciraaq, Syria, yemen iyo Soomaaliya. Waxba kama soo wareegin markii ay baarista Hay’adaha reer Galbeedku xusayeen in ay dawladdan mujrimadda ahi malaayiin qof oo masaakiin ah dagaal, dukheyn, gaajaysiin iyo qaxin ku dishay meelo kala duwan oo caalamka ah.

Safaaraddan ayaa sidoo kale metelaysa dawlad ku dhisantay ilaa haddana ku taagan labo jariimo oo aasaas u ah jiritaankeeda aysanna jirin dawlad kula mid ah. Jariimada kowaad oo aasaaska u ah dawladda iyo dawladnimada Maraykanka ayaa ah xasuuqii iyo ciribtirkii ay qawlaysatadii Yurubiyaanku u geysteen shucuubtii waddankan degannayd qarniyada ee Hindida cascas lagu magacaabi jiray, halka jariimada labaad ee ay dawladdani ku dul dhisantahay ay tahay addoonsigii ugu foosha xumaa taariikhda ee ay isla aasaasayaashi dawladdani ku addoonsadeen malaayiin qof qaab nidaami ah oo aan taariikhda aadanuhu hore u arag. Bal qiyaas, boqolaal qawmiyadood iyo malaayiin qof oo deganaa dhulka baaxadda weyn leh ee Waqooiyiga America la isku yiraahdo oo guud ahaanba laga tirtiray taariikh ahaan, luuqad ahaan iyo dad ahaanba dhulkii ay deganaayeen. Bal qiyaas heerka waxshinimada iyo cunsiriyadda keentay in isir dhan si aan kala sooc lahayn loo addoonsado si uu addoonsigani usii socdana loo baabi’iyo taariikhdii, luuqadihii, abtirkii iyo guud ahaanba taariikhdii dadkan heer aysan tafiirtii malaayiintan qofi xilligan aqoon meel ay kasoo jeedaan iyo cidda ay ku abtirsadaan. Bal qiyaas haddii ay dawlad aasaaskeedu yahay labadaan dambi ee aadanaha laga galay ay koox Soomaali ah oo jirta muddo dhawr iyo toban sano ah ku eedaynayso burbur iyo gaboodfallo ay tahay in laga dhiidhiyo?

Kooxda labaad: Dawladda dabodhilifka ah ee Soomaaliya

Taariikhda iyo sooyaalka uu leeyahay marka lagu qiimeeyo siyaasiga Soomaaliga ah ee xilalka kala duwan ugu magacawnaa maamulladii kala duwanaa ee waddanka soo maray ma ahan shakhsiyad lagu yaqaanno ka shaqaynta iyo u adeegista danaha shacabka Soomaaliyeed iyo xornimadiisa. Waxa kaliya ee taariikhdiisu ka marqaati kacayso ayaa ah u adeegista dano shisheeye iyo hagardaamada danaha iyo mustaqbalka Soomaalida. Lagasoo bilaabo maalintii uu dhulka Soomaalida yimid gumeystihii reer galbeedku ilaa maantadan oo uu dhulkii Soomaalidu ku jiro gumeysi ka duwan kii hore uuna wajahayo duullaamo kala duwan oo uga imanaya waddamo, ururro, iyo shakhsiyaad jinsiyado iyo ujeeddooyin kala duwan daba jooga, wuxuu siyaasiga Soomaaliga ahi kabo qaad u yahay dawlad, aragti iyo dano shisheeye kasoo horjeeda cadowna ku ah dawladnimada, qiyamka, diinta iyo danaha Soomaalida iyo Muslimiinta geeska Africa. Mar uu askari u noqdo, mar uu jaasuus toos ah u yahay, mar uu ugu magacaabanyahay manaasib iyo magacyo dawladeed, iyo mar shaqadiisu tahay faafinta aragti iyo qorshe kasta oo lagu mijaxaabinayo mustaqbalka umadda Soomaaliyeedba wuxuu siyaasigani ku suntanyahay u hiilinta iyo garab istaagga cid kasta oo Soomaalida si un godob uga gashay iyo cadow kasta oo ay ahayd in uu dagaal kula jiro.

Boqol sano ka hor xilligii ay affarta dawladood ee Nasaarada ahi kala boobayeen dhulka iyo khayraadka Soomaalida iyo asbuucyo ka hor markii ay diyaaradaha Maraykanku degaanka Mubaarak ee Shabeellaha Hoose ku dhukaysay dadka gaadiidleyda ah, wuxuu Siyaasiga dabodhilifka ahi taageero af iyo addinba leh si isku mid ah ugu muujinayay soo duulayaashii gardarrada ku joogay dhulkan dadkiisana sida aan kala sooca lahayn u laynayay. Wajiga kale ee ay shakhsiyaddan foosha xuni leedahay ayaa ah sheegasho afka baarkiisa ah oo uu waligi sheegan jiray inuu u taaganyahay danaha mujtamacan iyo ka talinta aayihiisa.

Marka laga hadlayo nidaamyada shisheeye kalkaalka ah ee waqti xaadirkan lagu salliday degaannada kala duwan ee waddankii loo qaybiyay, waxaa macruuf ah taariikhda madow ee badi shakhsiyaadka qaybta ka ah maamulladan shisheeyuhu waddanka ka mudmuday. Madaxweyneyaasha, Wasiirrada, Xildhibaannada, saraakiisha iyo badi xubnaha maamulladan heer Federal iyo heer Maamul Goboleedba ayaa lagu xasuustaa gabood fallo iyo tacaddiyo kala duwan oo ay ka geysteen waddanka soddonkii sano ee u dambaysay iyo mahadhooyin ay badeen kumanaan iyo malaayiin shacabka Soomaaliyeed ah. Taariikhda shakhsiyaadkan ayaa waxaa baalasheeda ku xardhan dil, dhac, barakicin iyo cunaqabataynta shacabkii ku dhaqnaa 18 kii gobol ee Jamhuuriyadda muddadaas soddonka sano ah.

Guddoomiyihii dhawr beri ka hor xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir Cumar Finish, Xildhibaan ka tirsan waxa loogu yeero Aqalka Sare ee Baarlamaanka mooryaan Muuse Suudi, guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka Cabdiqaybdiid, taliyeyaasha ciidamada qaar badan oo ka mid ah, wasiirro hore oo dawlad kasta oo dhalataa ay siiso maamuus iyo qaddarin wasiirnimo, iyo shakhisyaad xilal kala duwan ugu magacawnaa maamulladan xilliyo hore iyo waqti xaadirkanba ayaa sanooyin yar ka hor ahaa dagaal oogeyaal lagu yaqaanay dhiigyacabnimo laguna xasuusto tacaddiyo ay xilliyo kala duwan ka geysteen magaalada Muqdisho iyo gobollada u dhaw.

Hoggaamiye kooxeedyadii ay saddexdaan aan soo sheegay isku jiilka iyo isku shaqada ahaayeen mahadhooyinka aan ilaa hadda lagasoo waaqsanna ka geystay gobolladii ay joogeen ayaa iyaguna xilliyo kala duwan xilal sarsare looga magacaabay dawladahii iyo maamulladii waddanka soo maray. Xasuuso in uu Barre Hiiraale oo Kismaayo uga jira dagaal qabiil uu isla waqtigaas ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ee dawladdii Soomaaliya! Xasuuso xilalka ay dhiigmiiratadii SNM xubnihii ugu sarreeyay uguna taariikhda xumaa ka qabteen dawladihii maqaarsaarka ahaa ee soo maray gobollada Waqooyi burburkii ka dib ilaa haddana ay ka hayaan!

Marka lasoo xooriyo, xubnaha dawladdan maqaarsaarka ah ayaa ku suntan isla dambiga ay ku eedaynayaan kooxdaan aragtideeda diimeed eedday ee ayaga qudhooda waddanka ka sifaysay. Waxaa dawladdan qayb ka ah, xilal ka haya, u maamuusan, madax u soo noqday dhiigyacab kasta oo qabiil, Dollar, dano shisheeye xaqiijintood, iyo bilaa sababba u laayay dad badan oo mujtamacan ka mid ahaa. Waxaa “Sharci Dejiye”yaasheeda ka mid ah kuwii sanooyin yar ka hor idaacadaha Muqdisho ka waday hurinta dagaalada sokeeye, horeyna bulshada u xasuuqay, mana jirto cid dambi kusoo oogtay, maxkamad ma aysan soo taagin, kuma aysan takoorin, waxna kama aysan weydiin kumannaankii ay mooryaantani xilliyada kala duwan siyaabaha kala duwan gardarrada ugu laayeen.

Waxaa taa u dheer dilka, dhaca, kufsiga iyo boobka joogtada ah ee ay ciidanka iyo xubnaha maamulkeedu ku hayaan shacabka magaalooyinka ay ka taliso ilaa hadda. Waxaa ugu yaraan bishiiba mar idaacadaha ku jira wiil Bajaaj watay oo $1 dartii loo toogtay, nin waayeel ah oo miis yar quutulyowmkiisa ka raadsanayay oo xabbad sigaar ah darteed loo dilay. Waxay madaxda iyo afhayeennnada dawladdani nalasoo hor istaagaan faan iyo ku digasho ay maalin kasta ku faanayaan beeraleyda ku le’ata dukheynta diyaaradaha Maraykanka. In ay wax ka ogaayeen (waa beentood), ay wax ka qorsheeyeen ayaguna wax ka fuliyeen ayay idaacadaha ka sheegtaan ayagoo isla waqtiga ay hadalkan jeedinayaan Alshabaab ku eedaynaya askar iyo xarumo ay weerareen.

Kooxda saddexaad: Wadaadada Xaragada Badan ee qurbaha jooga qaarkoodna islaamaha caddaanka ah qabo!

Kooxdani waxay sheegtaa salafinimo sifaha labaad ee u raacaana uu yahay munaafaqad iyo jirjiroolayn ay ku khaldaan Soomaalida cudurka maskax falluuqu dilooday. Waa koox ayaga oo Muslimnimo sheeganaya Alshabaab ku dhaleeceeya inay ‘Islaamiyiin’ yihiin. Waxay kooxdani ku sifaysantahay isku haysashada dhawr diimood oo iska soo horjeeda. Taa marka laga yimaado, waxaa kooxdan ka mid ah dad badan oo laftoodu xilli aan fogeyn u dagaalamayay isla aragtida ay Shabaabku u dagaalamayaan sidaana ku laayay dad sida ay hadda qiranayaan waxba aan galabsan. Kama aysan toobad keenin dambiga ay qiranayaan, qisaas laguma fulin, maxkamadi ma cafin cidnana diyo kama aysan siin dadkii ay laayeen. Sidaasoo ay tahay, waa afhayeennada ugu doobbida dheer inta borobagaanka shisheeyaha cod baahiyaha u ah.

Waxay kale oo kooxdani caan ku tahay inaysan ka hadlin dhibaato kasta oo ay geystaan maamullada dabaqqoodhiga ah ee shisheeyuhu waddanka ka mudmuday noocay noqdaanba. Waxaase ugu cajiibsan dhaqamada kooxdan dabeecadda u ah inay dhan meel kasta iyo maqaam kasta ku boorriyaan xubnaha kale ee isbahaysigan xoojinta dagaalka Alshabaab lagula jiro iyo ciribtirkooda dhanka kalena ay ku eedayaan isla kooxdaan inay isla ayagaas dhiiggooda bannaysatay. In kooxdu bannaysatay dhiiga ‘Culumada’ ayay ku calaacalaan ayagoo hadalkooda kusoo gabogabeeya in tirada ugu badan laga laayo kooxdan sida augu arxanka daranna loola dhaqmo.

Kooxda afraad/affaraad: Roobow iyo Zakariye

Waxaa afraadda kooxdan ka mid ah shakhsiyaad ka tirsanaa, madax ka ahaa ama xittaa aasaaskoodii horeba kaalin ku lahaa isla kooxdan Alshabaab. Shakhsiyaadkan ayuu ugu caansanyahay wadaadka caanka ah ee Murtadka ah (sida uu asagu noo caddeeyay boqolaalka jeer) Abu Mansoor Roobow. Shakhsiyaadkan ayaa ayagu ah cidda gacanta ugu weyn ka geystay amarka ugu dambeeyana bixinaysay qaraxyo, weeraro iyo madaxjabis ay kooxdu geysatay intii ay ka tirsanaayeen. Haddii sida ay hadda sheegayaan, ay ficilladani dambi ahaayeen afraaddan ayaa ah dambiilayaasha ugu mudan in loo raacdo wax kasta oo ay kooxdu geysato.

Waxyaabaha kuu caddaynaya in sababta dhabta ah ee kooxdan lagula dirirsanyahay aysan ahayn dil iyo dhibaato ay geysatay kooxdu ayay ka mid tahay in ninkii kasoo baxaba horey looga magacaabo xilalka ugu sarreeyo ciidamada iyo hay’adaha dawladdan firiqoday. Marka Abu Mansuur oo ahaa mid ka mid ah aasaasayaashi kooxdan iyo Hoggaamiye ku xigeenkii kooxdaba loo magacaabo Wasiir ka tirsan xukuumadda Xamar, waxaa kuu caddaanaysa in wixii lagu haystay markii uu kooxda ka tirsanaa aysan ahayn dhibaato uu geystay ee ay ahayd kaliya aragtidii kooxda ee lidka ku ahayd dawladnimada gumeysigu dhalay. Sida ay ku celcelinayeen madaxda iyo xubnaha maamullada dabadhilifku, waxa kaliya ee laga rabo qof kasta oo Alshabaab ka mid ah ayaa ah in uu ka tanaasulo aragtidii kooxda oo uu qaato Diimaha dimuqraadiyadda, Nabadda iyo Soomaalinimada. Waa arrinta darteed uu u xiranyahay Xasan Daahir Aways oo in kasta oo uusan ka mid ahayn kooxdan aan ilaa hadda la siidayn iskaba daa in loo dhiibo xilal iyo masaasib la mid ah kuwa Abu Mansuur e.

Kooxda shanaad: Calmaaniga diin nacaybku diinta u yahay

Kooxdani, waa kooxda kaliya ee Soomaali ah oo dagaalkooda iyo nacaybkooda Alshabaabku uu aragti ku salaysanyahay. Waa aragti xumada ah lidka fikirka Alshabaabku u dagaalamayo oo ah in guud ahaan nolosha mujtamacan ay diintu maamusho. Waxay kooxdani aaminsatahay diinta Allaa-diiniyada iyo kala saaridda diinta iyo siyaasadda/ dawladnimada Soomaalida. Ka takhalusidda kooxdan iyo koox kasta oo aragti diineed lihi, sidaa darteed, waa waajib ay tahay in loo guto sida ugu dhakhsaha badan. Dilka ay kooxdani Aslahabaab ku eedaynaysaa kaliya waa istaraatiijiyad suurad xumayn iyo colaad u abuurid ah oo ay rabto inay ku gaarto yoolka ka takhalusidda. Halkase ay dil iyo dhiigyacabnimo Alshabaab ku eedaynayaan, waxay ku jiraan dambigii ugu weynaa ee uu aadane gali karay oo ah Alle diidnimo ka siibashada tawxiidka. Ka waran haddii gaal Majuusi ahi kugu eedeeyo oo dambi kaaga dhigo inaad zino ku dhacday si kasta oo ay run u tahay? Ka waran haddii uu shakhsi KARL Max Nabi u yaqaannaa kugu eedeeyo inaad aaminsantahay falfasad dhiig badan adduunkan ku daadisay? Ka waran haddii uu ruux dawladaha gumeysiga u yaqaanna xarunta albaxnimadu kugu eedeeyo inaad Caveman dib u so socod ah tahay?

Kooxda lixaad: Soomaalida caabudda sanamka qabyaaladda

Kooxdani waa horinta ugu qaylada iyo sawaxanka badan xilligan waana dufcaddii ugu dambaysay ee ka qalinjabisa iskuulka dabaqoodhinimada iyo damiir xumada ee uu Maraykanku maamulaha ka yahay xilligan xafiiskiisa ugu weynina uu Xalane yahay. Kooxdani waxay ku doodaysaa in ay Shabaabku dadkoodii addoonsadeen, laayeen, xoolahoodii dhaceen si kastana u bahdileen. Waa isla qodobkii inta hore doodda u ahaa.

Qabiilka Soomaalidu caadiyan wuxuu ku dabofaylsanyahay sharwadeyaasha qabiilka ka dhashay ee shaqadoodu isugu jirto hurinta dagaallada qabiillada iyo dhaca xoolaha sokeeyaha iyo u naakhuudaynta shisheeyaha hadba waddankan kusoo duulayay. Caadiyan reerka Soomaaliga ahi kama amarqaado wadaadkiisa oo wuxuuba doorka shakhsiyaddan ka aaminsanyahay mid ku kooban Yaasiiminta qofkii naftu ka baxayso, tahliilinta xoolaha abaartu hayso, u duceynta qawlaysatada reerka ee duullaanka reeraha kale u baxaysa iyo aruursiga siyaarada. Wuxuu sidaa darteed buuqa iyo sawanka kooxdani salka ku hayaa labo arrimood oo isbiirsaday:

1- Waxay dawladda habqanka ah ee uu madaxweynaha u yahay Xasan Sh. Maxamuud u xilsaaratay caadaqaate kasta oo ka tirsan maamulkeeda inuu abaabulo mooryaanta reerkiisa si askar iyo tamar cusub loogu abuuro dagaalkii ‘Argagixiso la dirirka’ ee uu October 2001 Maraykanku ku dhawaaqay. Markii ay xubnihii hore ee isbahaysiga Fircooniga ahi ku jabeen dagaalkii ay kooxdan kula jireen ayay isku dayayaan inay fagaaraha keenaan ciyaaryahan cusub oo sida ay la tahay awood u leh inuu kooxdan sutida u qabto. Sida ku cad warsaxaafadeedyada iyo hadallada madaxda DF, waxay horgallada Maraykanku dagaalkan ka bixinayaan labo fasiraadood oo iska hor imanaya. Sheeko baraleyda kowaad ayaa waxay oranaysaa in uu dagaalkani yahay ‘Kacdoon Shacab’ ay dadka degaannadani ayagu go’aamiyeen inay Alshabaab iska xoreeyaan. Sheekada labaad ayaa ayaduna sheegaysa in uu dagaalku yahay mid go’aankiisa iyo ahdaaftiisuba gacanta ugu jiraan DF iyo asyaaddooda ree Xalane. Iswaafajinta labadan sheeko carruureed ayaa u muuqata hawl ay ku oomeen dad uu ka mid yahay Xuseen Macalin.

2- Waxay Alshabaabku intii ay ka talinayeen degaannada ay colaaduhu hadda ka jiraan meesha ka saareen barakaysigii iyo caabudiddii sanamka qabyaalada iyo boobkii ay reeraha Soomaalidu isku hayeen. Waxay qawlaysatadii reerahani sidaa darteed u xiistay dhacii beeraha, geela iyo gawaarida reeraha kale waxayna ku qasbanaadeen naca iyo dagaalka kooxdii waxaa ku u geysatay. Waxaa naca kooxdan sii xoojiyay weydiinta ay Shabaabku uga dalbadeen inay xoolahooda Zako ka bixiyaan. Waxay, sidaa darteed, qaylada kooxdani ka dhigantahay habarwacasho loogu hiillinayo sanamkii qarniyada lasoo barakaysanay. “Uclu Hubul” AfSoomaali ah oo laga sii daayay TV laga daawanayo.

Deegaannada ay kooxdani sheeganayso waxaa in muddo ah ku sugnaa ciidamo shisheeye oo gobolladan iyo guud ahaan waddankaba ka geystay tacaddiyo aan lasoo koobi karin. Degaannada Maxaas iyo Halgan ayay tusaale ahaan ciidamada Itoobiyaanku sanooyin iska joogaan ayagoon xabbadi uga soo dhicin dhanka kooxdan iyo dadka xilligan sheeganaya lahaanshaha degaannadan. Ma isleedahay Alshabaab ayaa gobolladan ka gaystay wax aysan Itoobiyaanku ka geysan? Maxaa keenay in ay dadkani raalli ku noqdaan gumeysiga iyo joogitaanka Itoobiyaanka cadowga soo jireenkaa ah oo ay ka dagallamaan joogitaanka Shabaabka? Alshabaab iyo Itoobiya kee xaq u leh inuu Halgan ka taliyo? Waxaa iyaduna isweydiin leh, sababta looga aamusnaa qarniyada dagaalka la isku madhay ee ay reeraha gobollada dhexe deggani isku aakharo seegeen ee aan dhammaadka lahayn loogana oogsaday oday ay kooxi meel kaligi ku dishay?

FG: Aragtida maqaalka looma tiirin karo mareegta radioalfurqaan.com, waxay u gaar tahay qoraha Maxamuud Ugaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.