In Ka Badan 20 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Kala Duwan Oo Ka Dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa tafaasiil dheeraad ah laga helayaa duqeyn ay ciidamada Xarakada Mujaahdiinta Al-Shabaab ku qaaden saldhig ku yaalla degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo, halkaas oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Tiro madaafic ah oo ku hoobtay saldhiga ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamadii kusuganaa xerada la duqeeyay.

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan sideed askari oo Keenyaati ah ay ku dhinteen duqeynta halka sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ciidamo kale.

Madaaficda ayaa sidoo kale gubay laba gaari oo tiilay saldhiga ay duqeeyeen ciidamada Mujaahidiita Al-Shabaab.

Isla saldhigan waxaa xalay ka dhacay weerar ay Muhaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada Maamulka Jubaland, kaasoo isna faafaahin laga helayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dagaalkaas ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari laga dilay ciidamada Maamulka Jubaland ee la weeraray.

Dhanka kale waxaa faahfaahin laga helayaa qaraxyo saacadiii la soo dhaafay lagu beegsaday ciidamada Liyu Bolis oo ay dhisatay Itoobiya.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ciidamo Liyu Bolis ah oo ku socdaalayay duleedka Deegaanka Aato ee gobalka Bakool, halkaasne waxaa ka dhasahay qasaare xooggan.

Ugu yaraan toban askari ayaa ku dhintay qaraxyada lagu burbriyaya gawaarida ay wateen ciidanka Liyu Bolis iyadoona laga dhaawacay afar askari.

Wuxuu weerarkaas noqonayaa khasaaro kale oo xanuun badan oo gaara ciidamadan oo ay dhisatay Itoobiya, waxaana ciidamadan horay looga dilay boqolaal askari ka gadaal weeraro xasmin ah oo ay kala kulmeen Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.