Ingariiska Oo Dalkiisa Ufasaxaya Soogalootiga, Si Loo Bad Baadiyo Dhaqaalaha Dalkiisa.(Warbixin)

Marka ay barwaaqadu jirto xuduudaheyga waa ay owdan yihiin, oo ma jirto cid soo gali karta, balse goorta ay dhibaatadu nasoo waajahdyo waxaan gacma furan kusoo dhaweyneynaa cid waliba oo dalka soo galeysa, kaasi habdhaanka aan xikmadda ku dhisneyn ee ay dowldaha reer Yurub kula dhaqmaan dadka soo galootiga ah ee doonaya iney yimaadaan wadamada reer Yurub.!

Bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa dalal badan oo kamid ah kuwa reer galbeedka ka taagnaa dhabaatooyin aan horay usoo marin wadamadaas, kuwaas oo ay ugu horreeyaan abaaro iyo kuleyl aan nuuciisa horay loo arag oo laga soo calaamadeeyay qaaradda cajuuzadda ah, taas ayaana hor seeday in mid kamid ah dowladahaas ay ku dhaqaaqdo iney dalkeeda u furto dadka soo galooyiga ah.

Dowladda Ingariiska oo kaalmaha hore kaga jirta dowladaha ay saameeyeen is badalladaan kusoo kordhay qaaradda Yurub, mudooyinkii lasoo dhaafayna ay dalkaan ka taagnaayeen dhibaatooyin dhaqaale oo hor seeday iney iska hor yimaadaan dowladda iyo shacabkeeda, ayaa sheegtay in hadda ay xuduudaheeda u fureyso dadka soogalootiga ah, si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha dalkaas oo sii dhimanaya.

Warbixin uu qoray warheyska The Times ee kasoo baxa dalka Ingariiska ayaa lagu sheegay, in Liz Truss oo ah Ra’iisal Wasaaraha dalka Ingariiska ay ku dadaaladeyso, sidii loosoo nooleyn dhaqaalaha dowladda Ingariiska oo dhulka sii galaya, waxna looga qaban lahaa shaqa la’aanta baahsan ee ka jirta dalka, sidaa awgeedna dib uhabeyn lagu sameeyay qiimaha fiisaha dal ku galka ee UK, si dadka soo galootiga ah looga faa’iideysto iney dalka wax kusoo kordhiyaan.

Inkastoo ay haweeneydaan la kumeyso mucaaradad xooggan oo gudaha ah, ayuu haddana wargeysku sheegayaa inTruss ay go’aansatay iney taageerto dadka beeraleyda ah ee hadda u diyaar garoobaya iney ka faa’iideystaan xilli roobaadka, kuwaas oo loo ogolaanayo iney dibadda kala yimaadaan dad shaqaale ah, iyadoona sidoo kale sameyneyso furshado shaqo abuur ah, si ay uga baaqsato sare u kaca kacdoonnada shacbiga ah ee haatan ka taagan dalkaas.

Waxay muhiimadda saareysaa sidii ay u heli lahaayeen injineerro laga keeno dalka dibaddiisa, kuwaas oo wax ka badali kara xaaladda dhaqaala xumi ee ka jirta dalka, sidoo kalena loo meel mariyo ballanqaadkii hore ee ay xukuumadda UK ku sheegtay in isku filnaasho ay gaarsiin doonto dadkeeda.

Iyadoo ay taasi jirto ayay haddana dowladda Ingariiska xayiraadihii ka qaaday dadka soo galootiga ah, taas oo qeyb ka ah sidii lagu soo nooleyn lahaa dhaqaalaha sii hoobanaya ee dalkaas, arrintaan ayaa waxaa si adag kaga hor yimid xubnaha mucaaradka iyo wasiiro ay kamid yihiin kan arrimaha gudaha iyo kan ganacsiga ee dalkaas, kuwaas oo kasoo horjeestay qorshahaan cusub ee xukuumadda, balse waxay isku waafaqsan yihiin in maslaxada dalka la fiiriyo, maadaama ay wajahayaan dhibaatooyin dhaqaale.

Ila wareedyo sare oo katirsan xukuumadda Biriting ayaa marka laga yimaado diidmada wasiirrada sheegaya, inay jirto aragti kale oo ay qabto wasaaradda qaxooytiga ee dalka, taas oo ah in dadka soo galootiga ah looga faa’iideysto sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka, arrinkaas oo ay si wada jir ah u taageereen Ra’iisal Wasaaraha dalkaas iyo wasaaradda dhaqaalaha ee dowladda Ingariiska.

Ka sokow furitaanka waddooyinka fiisaha ee qaybo gaar ah, waxay wasiirradu ka wada hadlayaan oggolaanshaha iney dalka soo galaan shaqaale aqoon sare leh oo ka socda adduunka oo dhan, waxaana arrimaha ay soo jeediyeen kamid ah, in fiisaha dal ku galka loo fududeeyo shaqaalaha ka soo qalin jabiyay mid ka mid ah 50ka ama 100ka jaamacadood ee ugu sarreeya adduunka.

Arrinta muranka badan dhalisay ayaa ah in iyadoo ay xaaladahaan jiraan ay dowladda Ingariiska dadkeeda ka qaadeyso canshuuro fara badan, Wasiirka maaliyadda ee UK ayaa sheegey iney dhimayaan canshuuraha, isagoona ballan qaadey iney xoogga saari doonaan kobcinta dhaqaalaha dalka, xittaa hadey taasi keensaneyso in laqaato qaraaraad adag, waxa uuna intaa ku daray in todobaadyada soo socda ay soo bandhigi doonaan qorshe cusub, si loo damaanad qaado in nidaamka soo galootiga ee hadda xayiraadda laga qaaday uu dalka horumar gaarsiin karo.

Wabsite-yada ka faallooda arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegaya in dalka Ingariiska uu hadda wajahayo dhaqaala xumi aad u baahsan, dadka u dhasgay dalkaasna ay la il daran yihiin maciishad xumo aan horay u soo marin, maadaama ay wax waliba sara u keceen, shidaalka iyo korontada oo kamid ah adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin bulshada ayaana kamid ah waxyaabaha si’aadka ah cirka isku shareeyay, Malaayiin ruux oo udhashay UK ayaana qarka usaaran faqri iyo macluul daran.

Dhinaca kale Haweeneyda Ra’iisal Wasaaraha ka ah dalka Bangaladesh ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladaha reer galeedka, taas oo sheegtay in mar waliba ay ka hadlaan dhibaatada ka jirta caalamka, islamarkaana ay qadaan ballamo aan dhaafsiineen afka baarkiisa.

Xasina Waajid ayaa si gaar ah diiradda usaartay is bad badelka xagga cimillada ee ja jira caalamka, si gaar ah dalka Bangaladesh oo unugul is bedelka cimillada, reer galbeedka ayayna sheegtay in mar waliba ay ka hadlaan arrimahaasi, balse aysan waxba ka qaban dhitooyinka ka dhasha, iskaba daaye iney fuliyaan ballan qaadyada ay sameeyaan.

Wareysi ay siisay wakaaladda wararka ee Faransiiska, islamarkaana ay kaga hadleysay  shirkii ay golaha guud ee Qaramada Midoobay ku yeesheen Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayay ku sheegtay arrintaan, iyadoona xustay in dowladaha reer gabeedka ay doonayaan oo kaliya sidii ay horumar ku gaarsiin lahaayeen dalalkooda, iyagoona aan u aaba yeeleynin dadka kale.

“In badan ayaan tabarrucaad ka dalabnay, balse nasiib darro kama aanan helin wax jawaab ah, waa ay iska hadlayaan in badan, waxay galayaan ballamo aan laga soo bixin, wax walibana waa ay iska muuqdaan, ayay Ra’iisal Wasaaraha Bangaladesh ku tiri wareysiga ay siisay wakaaladda wararka ee Faransiiska.

Dalka Bangaladesh oo daris la ah Barma ayaa waxaa ku nool in ka badan 750-kun oo kmaid ah Musimiinta Rohongiya ee kasoo baxsaday weerarada laayaanka ee ay xukuumadda Miyan Maar ku beegsaneyso Muslimiinta, tirada intaas la eg ayaana dalkaan soo gaartay tan iyo sannadkii 2017-ka.

In ka badan 100-kun oo kamid ah Muslimiinta Rohongiya ee kasoo barakacay dalkooda ayaa ku dhibaateysan xeryo qaxooti oo ku yaalla Bangaladesh, teendhooyinka isku raranka ah ee ku yaalla xeyahaas ayayna ku wajahayaan duruufo adag oo ay ugu horreyso cunno la’aan iyo caafimaad darri ka jirta halkaas.

“Dhibaatada oo dhami annaga ayay nagu dhaceysaa, Duurfo adag ayay ku noolyihiin Muslimiinta Rohongiya ee ku jira xeryaha qaxooti ee ku yaalla dalkeena, si gaar ahna haweenka iyo caruurta ayaa wajahaya dhibaatada ugu daran, sidaas oo kale muwaadiniinteennu waxay iyagana wajahayaan xaalado adag” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Hey’daha reer galbeedka ee sheegta iney u doodaan xuquuqda aadanaha ayaa marar badan soo saaray warbixinno ay kaga hadlayaan dhibaatada Muslimiinta Rohingiya, kuwaas oo ay dano gaar ah ka leeyihiin balse aysan ujeedoodu aheyn wax u qabashada dadkaas dhibaateysan, tajaahulka reer galbeedka ee ku aaddan Muslimiinta Rohongiya ayaana ugu wacan, maadaama dadka tabaaleysan ay yihiin Muslimiin, taa badalkeena uu caalmkoo idil arkay sida reer Yurub ugu gurmadeen walaaloohda Ukraine, Maadaama ay isku diin yihiin, islamarkaana uu mideeynayo hal hadaf.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Ingariiska oo dalkiisa Ufuraya soo galootiga

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.