Kenya oo Duqeymo Ka Geysatay Degaano Ka Tirsan Jubbada Hoose.

Wararka naga soo gaaraya degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay duqeymo ka geysteen degaano hoos taga degmada.

Duqeymaha ayaa waxay diyaaraduhu la beegsadeen afar tuulo oo hoos tagta Badhaadhe kuwaasoo ay kamid yihiin Dallaayad Xaaboole iyo Quruun balse majirin wax khasaara nafeed ah oo ka dhashay duqeymahaasi.

Dadka degaanadaas ayaa sheegaya iney kala kulmeed duqeymaha argagax xoolahoodiina ay ku dileen, mana ahan markii ugu horreysay oo ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya ku kacaan ficilkan oo kale.

Waa duqeyntii horreysay ee ay ciidamada Kenya ka geystaan Soomaaliya tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Rutu, waxaa xusid mudan in duqeymihii ugu badnaa ay dhaceen xilligii uu xilka hayay Uhuru Kenyatta.

Bayaan ay soo saartay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab doorashadii dalkaasi kadib waxay farriin ugu dirtay dowladda cusub taasoo ku aadanayd in ay ciidamadeeda dalka kala baxdo, haddii kalana ay guran doonto miraha qaraar ee ka dhasha xad gudubkooda ka dhanka ah muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.